Qoraa Soomaaliyeed oo Carwada sanadlaha ee Buugaagta Finland ku soo bandhigi doono 11 buug oo cusub

Qoraa Cabdicasiis Xildhibaan oo todobaadka soo socda Carwada Buugaagta ee Finland ee lagu qaban doono magaalada Espoo ku soo bandhigi doona 11 buug oo cusub. Sawirka: Suomen Somali Media

Espoo – Qoraa Cabdicasiis Cali Ibraahim “Xildhibaan” oo ah qoraa Soomaaliyeed oo qoray ilaa 39 buug oo 19 buug oo ka mid ah loogu talo galay caruurta Soomaaliyeed ayaa sheegay in sanadkan uu ku soo bandhigi doono Carwada buugaagta ee sanad walba lagu qabto dalka Finland buugaag cusub oo aqoon-kaal ah.

Mar uu la hadlayay Suomen Somali Media, Cabdicasiis Xildhibaan ayaa sheegay in maalinimada Khamiista ee todobaadka soo socda la qaban doono Carwada sanadlaha ee bandhigga buugaagta ee lagu qaban doono magaalada Espoo ee dalkan Finland 10.09.2020, isla markaana uu ku soo bandhigi doono 11 buug oo cusub oo uu ugu talo galay in ay kobciyaan aqoonta caruurta Soomaaliyeed.

“Waxaan sanadkan ku soo bandhigayaa 11 Buug oo cusub oo qoran Somali, English, Finnish iyo Swedish, waxa ayna yihiin buugaag kobcinaya caruurta Soomaaliyeed” Cabdicasiis Xildhibaan ayaa yiri, isagoo intaasi ku daray in sababta ku kaliftay in buugaag nuucan ah uu qoro ay tahay sidii caruurta Soomaaliyeed looga kobcin lahaa dhinaca waxbarashada.

Carwada buugaagta ee sanad walba lagu qabto dalkan Finland ayaa waxaa hal abuurkooda ku soo bandhiga qorayaal badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo jiilka cusub ee koraya uga tegaya aqoon mar walba la joogeysa.

Buugaagta ay qoraan qorayaasha Soomaaliyeed ayaa inta badan waxaa ka faa’iideysta caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhalatay, buugaagtaas oo inta badan kobcisa garaadka aqooneed ee caruurta.