Qof heysta dhalashada Finland oo looga shakisan yahay in uu xiriir la leeyahay ururka ISIS ayaa lagu xirey Turkiga

Wakaaladda wararka ee dalka Turkiga Anadolu ayaa iyadoo soo xiganeysa wararka dhanka ammaanka ah waxaa ay sheegtay, in qof heysta dhalashada dalkan Finland oo looga shakisan yahay hawlo la xiriira falal argagaxisinimo ah lagu xirey dalka Turkiga.

Sida ay wakaaladdu sheegtay waxaa arrinkaas qabashada ah uu ka dhacay magaalada Ankara ee caasimada Turkiga. Waxaana isla hawlgalkaas lagu qabqabtay 24 qof oo u dhashay dalka Ciraaq, kuwaasoo dhammaantoodba lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la lahaayeen ururka Isis.

Sida ay wakaaladdu sheegtay xariggaasu wuxuu dhacay subaxnimadii isniinta, waxaana fuliyay kooxda ka hortagga falalka aragagaxisada ee Turkiga. Waxaana ay wakaaladdu sheegtay in afar qof oo goobta qabashada ka dhacday ku sugnaa oo lagu raadjoogay ay baxsadeen oo ilaa iyo haatana aan la helin. Waxaana dowladda Turkigu sheegtay in marka ay waraystaan kaddib ay dadkaas la tuhunsan yahay dalkeeda ka soo musaafurin doonto.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaan Finland ayaa xafiiska wararka ee Finland STT u xaqiijisay xarigga qofkaas heysta dhalahsda Finland ee lagu qabtay Turkiga.  Ilaaliliinta dhanka warbixinaha awgeed wax intaa ka sii faahfaahsan oo xarigaas ku saabsan wasaaraddau ma aanay sheegin.

Warka ku saabsan arrinkaan waxaa markii ugu horreysay dalkaan Finland sheegay wargeyska Iltalehti.

Xigasho: YLE