Ninkii ereyada cunsurinmmada leh ku caayay xildhibaanka soomaaliyeed ee golaha degaanka Helsinki Abdirahiin Hussein (Husu) oo maxkamadda Helsinki ay xukuntay.

Axad 30.5.2021. Maxkamadda magaalada Helsinki ayaa bishaan gudaheeda xukun ganaax ciqaabeed ah ku ridday ninkii ereyada cunsurinimmada leh ku caayay xildhibaanka caanka ah ee golaha degaanka soomaaliyeed ee loo yaqaan Hussu (Abdiraxiim Hussein).

Arrinkaan ayaa wuxuu dhacay bilowgii bishii November ee sannadkii 2019-kii, xilligaas oo laba nin oo u dhashay dalkaan Finland ay soo raaceen taksi uu waday xildhibaan Abdirahiim Huusu, markaasoo mid ka mid ah labadii nin uu bilaabay in uu si aan wanaagsanayn wax uga sheego Husu, isagoo u adeegsaday ereyo cunsurinimmo muujinaaya oo la xiriira midabkiisa iyo dalka uu ka soo jeedo.

Kiiskan oo muddo dheer maxkamadda la yiil, ayaa ugu dambayntii waxaa ay maxkamaddu bishaan gudaheeda go’aan ku gaartay in ninkaas finiska ah lagu xukumo ganaax ciqaabeed dhan 40 maalmood, ku xadgudub dhanka sharafta ah oo uu u geystay xildhibaan Husu awgeed. Taasoo macnaheedu yahay in marka loo eego dakhligiisa lagu ganaaxay lacag dhan 1400 oo yuuro.

Go’aankaan ayaa noqonaaya mid guul ah oo u soo hoyday dhammaanba dadka ajaanibta ah ee dalkaan u soo guuray, gaar ahaan ummadda Soomaliyeed. Kaddib markii ay caddaatay in qofku haddii uu Allaah talo saarto, dadaalna uu muujiyo uu xaqiisa soo dhacsan karo. Waana go’aan taageeraaya inaan mar dambe lagu degdein aflagaadada iyo xadguduka dhanka sharafta ah ee loo gaysanaayo dadka ajaanibta ah.

Dhanka kale waxaa uu arrinkaan muujinayaa dagaalka ay warbaahinta dalkaan intooda badan ku hayaan dadka ajaanibta ah, waayo markii kiiskaan dhacay waxay aad u buunbuuniyeen arrimhii uu sameeyay xildhibaan Husu ee ay ku kaliftay dhibaatadaan la soo gaarsiiyay iyo weerarkii faraha badnaa ee ay xisbiga Persu ku hayeen isaga awgeed, waliba uu markii danbe qirtay oo raalligelintana uu ka bixiyay. Waxaana qalabka warbaahintu ay isku dayeen in ay kiiska muhiimaddiisa kale iyo waxa sababay ee ah xadguduka sharafeed iyo cunsuriyadda ay daboolaan. Haseyeeshee xaq qofkiisii daba socdo ma lumo.

Ugu dambayntii waxaan ummadda soomaaliyeed u soo jeedinaynaa in qadiyadahaan oo kale aan loo kala harin ee meel looga soo wadajeesto, qofka walaalkeen ah ee uu arrinkaan oo kale qabsadana la garab istaago, illaa iyo inta xaqiisa uu ka soo dhacsanaayo, waayo dadka cunsuriyaddu ka buuxdo ee aan oggolayn ku nolaanshaheenna dalkaan, nama kala jecla oo dhammaanteen isku miisaan baan u saarannahay.

Xiagsho: MTV3