Finland waxaa laga helay maanta 208 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 2xaaladood oo dhimasho ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Khamiis 29.4.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 208 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 86 613 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 3 360 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 51 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay107 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 34 qof , iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo  laga helay 19 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 43
Vantaa 25
Espoo 16
Oulu 13
Turku 13
Kerava 8
Salo 8
Lappeenranta 7
Tampere 7
Janakkala 4
Vaasa 3
Lieto 3
Raahe 3
Porvoo 3
Riihimäki 3
Nakkila 3
Kaarina 3
Pori 2
Hyvinkää 2
Mäntsälä 2
Jyväskylä 2
Paimio 2
Kauniainen 2
Raiso 2
Järvenpää 2
Kirkkonummi 2
Karvia 2
Siilinjärvi 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 125 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  32 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 913 qof. Kaddib markii ay THL shaaca ka qaaday maanta geerida 2qof oo hor leh oo u dhintay feyruska awgiis. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 30 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 4 716 oo qof, kuwaasoo 4 022 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 693-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 597 841 oo qof (29.04).

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 150 341 241 49 908 190
Tirada u dhimatay feyruska 3 166 947 1 060 888

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 572 189 38 482 222
Tirada u dhimatay feyruska  121 452 510 302

 Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 18,368,096   379 459    3 647  204 812
Baraaziil 14,523,807     77 266    3 019  398 343
Faransiiska  5,565,852     31 539       315  103 918
Turkiga  4,751,026     40 444       341    39 398
Jarmalka  3, 351,474     24 696       320    83 018
Arjantiin  2,928,890     23 718       348    62 947
Kolombiya 2,824,626     19 745       490    72 725
Iiraan 2,459,906     21 713       434    70 966

 

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 960,520      32  14 000
63 Denmark 249, 785    835    2    2 481
88 Norwey 112,156   470    17       753
159 Iceland  6 456    18              29
42 Saudi-Arabia  415 281    1 062    13    6 935
133 Soomaaliya  13,915             713

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS