MP Suldaan Said Ahmed, Ergayga gaarka ah ee xukuumadda Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo Jigjiga kula kulmay madaxweynaha DDS Mudane Mustafa Cumar iyo madax kale oo DDS ka tirsan

Credits-SRTV-Somali-MP Suldaan Said Ahmed, President Mustafa--

Jigjiga:- Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed iyo Wefdiga Finland ka socda ee uu hoggaaminayay oo kala ahaa Safiirka Finland u fadhiya Itoobiya Amb. Outi Holopainen iyo Agaasimaha waaxda Bariga iyo Geeska Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Finland mudane Jukka Pajarinen ayaa madaxweynaha DDS iyo Wasiirka Madaxtooyada DDS Mudane Hussein Qasin kala hadlay iskaashiga labada dal gaar ahaan mashaariicda horumarinta ee ay dowladda Finland maalgeliso ee laga fuliyo guud ahaan Itoobiya.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la joogteeyo xiriiradooda iyo in sare loo qaado wadashaqeynta labada dhinac.

Madaxweynaha DDS ayaa MP Suldaan Said Ahmed uga mahadceliyay kaalinta muuqata ee uu ka qaatay welina ka qaadanayo hagaajinta xiriirka dowladda uu wakiilka ka yahay ee Finland iyo Itoobiya, gaar ahaan DDS.

Muuqaalka soo dhoweynta iyo kulanka MP Suldaan Said Ahmed, Ergayga gaarka ah ee xukuumadda Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika iyo Wefdiga uu hoggaaminayo ee Finland ka socda kor ka daawo.

Ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika u qaabilsan xukuumadda Finland MP Suldaan Said Ahmed iyo wefdi uu hoggaaminayay oo magaalada Jigjiga ee xarunta DDS maanta kula kulmay Culumaa’uddiinka iyo hoggaamiyayaasha dhaqanka ee DDS.

Wefdiga uu MP Suldaan hoggaaminayay oo ka koobnaa Safiirka Itoobiya u fadhiya Finland Amb. Outi Holopainen iyo Agaasimaha Waaxda  Bariga iyo Geeska Afrika ee wasaaradda Arrimaha dibadda Finland Jukka Pajarinen ayaa Culumaa’uddiinka iyo hoggaamiyayaasha dhaqanka kala hadlay xaaladda guud ee deegaanka, arrimaha bulshada iyo doorka ay culimada iyo hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin horumarka DDS.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo guul.

MP Suldaan Said Ahmed, Ergayga gaarka ah ee xukuumadda Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika ayaa weli ku guda-jira safarkiisa shaqo ee ku gaadaa-bixinayo Geeska Afrika.

Wixii war ah ee safarka MP Suldaan Said Ahmed, Ergayga gaarka ah ee xukuumadda Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika ka soo kordha halkan kala soco.

SSMV