Mid kamid ah jidadka bartamaha Helsinki oo laga mamnuucayo in la dhigto baabuurta ay ku xiran yihiin shaagagga biraha leh ee xilliga barafka

Shaagagga biraha ee bakburta Sawirka: Abdi Musse Mohamud/SSMV

Laga billaabo 1.11.2025, waxaa mamnuuc ah in la dhigto ama la dhexmarsiiyo dhabbaha Lönnrotinkatu ee dhaca bartamaha Helsinki gaadiidka ay ku xiranyihiin shaagagga xilliga barafka ama qaboobaha ee biraha leh.

Gaarigi jebiya amarka ayaa lagu ganaaxayaa 80 yuuro, laakiin waxaa la oggolyahay, in daaraha ama dhismayaasha ku yaal jidkaas gaadiidka u socda ay dhexmaraan wadada.

Waa tijaabo loo qoondeeyay in ay socoto illaa iyo sannadka 2028.

Mamnuucistan ayaa quseysa gaadiidka oo dhan oo ay ku jiraan tagaasida iyo gaadiidka kale ee ay isticmaalaan xirfadlayaashu. 

Sida ku cad cilmibaarisyo badan oo la sameeyay, shaagagga biraha leh ayaa jidadka ka fujiya saxar saleedyo yaryar, kuwaas oo sabaci kara in datku ka qaadaan xanuuno daran oo ku dhaca habdhiska neefmareenka. Shaagaggan ayaa sidoo kale dhammeeyo oo cimri degdeg ku rido jidadka.

Waxaa xusid mudan in uu dhowyahay wakhtiga qaboobaha ee ay tahay in shaagagga baabuurta la beddelo oo loo beddelo kuwo biro leh ama kuwa kale oo u adkaysan kara waddooyinka taraaraxa ah, sababo Ła xiriira qabow jira ama baraf dul yaal.

SSMV