Maryan Abdulkarim oo ah aqoonyahan iyo suxufiyad u dhaqdhaqaaqda arrimaha bulshada ayaa kamid noqotay 10 qofood oo billad qiimo badan la guddoonsiiyay

Maryan Abdulkarimin kuva- Kuvaaja: Uwa Iduozee

Helsinki 5.12.2020 Maryan Abdulkarim oo ah aqoonyahan iyo suxufiyad u dhaqdhaqaaqda arrimaha bulshada ayaa kamid noqotay 10 qofood oo billad qiimo badan la guddoonsiiyay.

Magaalada Helsinki oo maanta (5ta Diseembar 2020) billadda dahabiga ah ee Helsinki ku abaalmarisay 10 qofood oo Reer Helsinki. Maryan Abdulkarim ayaa ka mid ah 10kan qofood!

Duqa magaalada Helsinki oo farriin muuqaal ah soo dhigay qaddaryar kahor kanaalka maqal-muuqaalka ee magaalada Helsinki ayaa sheegay, in inkastoo ay jirtay xaalad adag oo Korona sababay ay haddana 10kan qofood muujiyeen dhabar-adayg aan loodmin oo ay sumcadda Helsinki sare ugu qaadeen ama ay magaalada ku soo caan-bixiyeen.

Billadda Dahabiga ah ee Helsinki waa aqoonsashada ugu sarreysa ee magaalada.

Dadka helay billadda Dahabiga ah ee Helsinki sannadka 2020 oo ay ugu horreyso Maryan Abdulkarim halkan ka akhriso.

Xigasho: Helsinki Kanava