Maalinta qoraalka far Soomaali ee 21:ka Febraayo oo lagu xusay magaalada Helsinki, Finland

Xuska maalinta Far Soomaaliga/Helsinki Finland

Barbaarso, macallimad iyo qoraa Nimco Nor, Wakiilka AGA (Akadeemiye Goboleedka ,Af Soomaaliga) Aqoonyahan Liibaan Shiikhdoon, guddoomiyaha ururka Suomi-Somali serua ry Yasin Sheikh Omar oo madasha lagu xusayay maalinta qoraalka far Soomaaliga soo agaasimay ayaa ka hadlay sida ay u arkaan muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada ku dhaqan Finland ay u istaagaan sare u qaadista afkooda hooyo ee Soomaaliga ah.

Taabbagelinta iyo qabanqaabada madashan ayaa waxaa iska kaashaday AGA- Akadeemiye goboleedka af Soomaaliga, Ilays Af Soomaali iyo Ururka saaxiibtiimada Finland iyo Soomaaliya (Suomi Somalia Seura ry.

Mowduuca sannadkan ee xuska maalinta Qoraalka Far Soomaaliya ayaa ahaa ”Jiilka cusub iyo doorka ay ka qaadan karaan sare u qaadista af Soomaaliga”.

Barbaariso, qoraa Nimco Nor oo madasha xuska furtay ayaa dhallinyarada weydiisay su’aal la xiriirtay sida ay u u arkaan afka Soomaaliga iyo macnahaha uu afka Soomaaligu u leeyahay.

a Dhallinyarada oo u qaybsanaa qaar ku dhashay Finland iyo kuwa ku koray ayaa madasha xuska ee ka dhacday jaamacadda Metropolia oo ku taal bariga Helsinki ka sheegay sida ay u xiisaynayaan sare u qaadista aqoontooda afka Soomaaliga.

Dhallinyarada ayaa aragtidooda ka dhiibtay madasha ayaa sheegay, in marka hore ay muhiim tahay in Soomaaliya loo helo qorshe waxbarasho (manhaj) oo mideysan oo ay ku idil yihiin qaybaha tacliineed laga soo billaabo barbaarinta illaa iyo waxbarashada aasaasiga ah.

Dhallinyarada oo dhanka kale ka hadlaysay barashada qoraalka quraanka ama haddii si kale loo dhigo far-barashada Quraanka ayaa qaba in dib loogu celiyo qaabkii hore ee qoraalka Quraanka Kariiimka ah lagu baran jiray oo ahaa mid soo jireen ah oo qarniyaal laga isticmaalayay dhulka Soomaalidu degto oo dhan. Qaabkan ayaa ahaa mid ka sokow barashada qoraalka Quraanka Kariimka ah door shariif ah ka qaadan jiray naaxinta aqoonta afka Soomaaliga.

Madasha ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay Wargeyska GANUUN oo ah wargeyskii ugu horreyn ee Af-Soomaali ku qoran oo ka soo baxa Finland.

Xildhibaan Feysal Abdi oo ka mid ah dhallinyarada ku kortay Finland ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay in sare loo qaado aqoonta afka Soomaaliga ee dhallinyarada iyo carruurta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Finland. Waalidiinta Soomaaliyeed ee Finland ku nool ayuu Feysal u soo jeediyay in ay u sarakacaan xoojinta aqoonta afka Soomaaliga ee carruurtooda.

Abdijibaar Nuux oo ah wiil dhallinyaro ah oo ku dhashay Finland, laakiin ay aqoontiisa afka Soomaaligu dhisantahay islamarkaasna gaarsiisantahay, heer uu ku far Soomaali ku qoray buugaag sheekooyin ah.

Abdirahman Abtidoon oo ah wakiilka AGA ee qaaradda Yurub oo khadka fogaan aragga uga soo qaybgalay madasha xuska maalinta qoraalka far Soomaaliga ah ayaa sheegay in UNESCO ay horaantii sagaashamaadkii sheegtay in labadii todobaadba uu hal af ama luqad dhinto. Afka Soomaaliga waxaa lagu sheegay in xanuunka ay afafku u dhintaan uu ku billowday.

Abdirahman Abtidoon ayaa qabaa, in afkeennu uu sal adagyahay oo aanay dhimasho u dhoweyn, inkastoo uu dhaawacyo qabo. Afka Soomaaliga ah ayaa hadda noqday mid si fiican uga sookabanaya dhaawacyadii ka soo gaaray burburkii dagaalladii sokeeye.

Dr. Mohamed Hussein oo isna madasha hab fogaan arag ah uga qaybqaatay ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada qurbaha ku kortay ay qoraan taariikhda suugaanta Soomaalida iyagoo tegaya tusaale ahaan xeebaha iyo dhulka taariikhiga ah ee Soomaaliya.

Soomaalida Finland, gaar ahaan carruurta iyo dhallinyarada ayaa safka hore uga jirta aqoonta afka Soomaaliga waxaana lagu ammaanaa sida hufan ee ay gacanta ugu hayaan afka Soomaaliga, marka loo eego Soomaalida qurbajoogta ah.

Ugu dambeyntii ayeey Macallimad, qoraa Nimco Nor oo loo soo magacaabay Wakiilk Akadeemiye Goboleed Af Soomaaliga (AGA) dhallinyarada kula dardaarantay in ay la wareegaan kaalinta gacanta ku haynta, kobcinta iyo horumarinta Afka Soomaaliga.

SSMV