Maaddo wax lagu nadiifiyo oo si aan ku talaggal ahayn carruur loo cabsiiyay- lix cunug oo isbitaalka la dhigay

Vaasa- 29.6.2020 Lix carruur ah ayaa isbitaalka la dhigay kaddib markii si aan ku talaggal ahayn loo siiyay maaddo wax lagu nadiifiyo xilli ay ku sugnaayeen Xerada Dalxiiska xagaaga ee ku taal Jasiiradda Utterö ee ku dhow magaalada Vaasa.

Maaddo lagu nadiifiyo bullaacadaha oo lagu shubay dhalo cabbitaan ayaa loo qaatay in uu ku jiro cabitaan rib ah ama aan barxanayn kaddibna waxaa si kama’ ah loo siiyay carruur. Carruurta xerada xagaaga joogtay ayeey da’doodu u dhexeysay 11-13 sano jir.

Guddoomiyaha Föreningen Missionskyrkans Ungdomin ee qabanqaabiyay waxqabadkan ayaa wuxuu sheegay in carruurta goobta loogu fidiyay gargaarka degdegga ah kaddibna isbitaalka loo dhaadhiciyay waalidkoodana lagu wargeliyay waxa dhacay.

Shan kamid ah Lixda cunug ee isbitaalka la geeyay ayaa ka baxay isbitaalka. Cunugga lixaad ayaa la sheegayaa in weli caafimaadkiisa la koontaroolayo waxaana la filayaa in uu isna kol dhow isbitaalka ka baxo, sida ay hawlwadeennada caafimaadku sheegayaan.

Dhacadan ayaa ah mid aad looga hadal-hayo deegaanka ku xeeran Vaasa mana jirto illaa iyo hadda cid arrintan darteed loo dacweeyay.

Xigasho: Svenska Yle

Sawirka: Yle