Ma doonaysaa in aad ogaato tirada dadka afkooda hooyo aanu ku jirin afafka dalkan ee Helsinki ku nool?

Wargeyska Helsingin sanomat ayaa wuxuu maanta daabacay qariidad jaantus ah oo lagu xardhay  midabo kala duwan.

Midabadan ayaa kala metelaya dadka Helsinki deggan ee afkooda hooyo aanu ahayn afafka uu dalku leeyahay, sida Finnishka, Iswiidhish, Saame IWM.

Sida ku cad jaantuska dadka uu afkooda yahay Ruushka ayaa ah kuwa ugu badan waxayna hadda tiradoodu gaaraysaa sida warbixintan lagu sheegay 18246 qof.

Guud ahaan tirada dadka Helsinki deggan ee afkooda hooyo aanu ku jirin afafka rasmiga ah ee dalka ayaa haatan ka badan boqol kun oo qof (100,000). Luqadaha dadka ugu badan ay ku hadlaa waa Ruush, Soomaali, Istooniya, Carabi iyo Ingriis.

Isha warka iyo sawirka: HELSINGIN SANOMAT