Labo nin ayaa loo xiray toogashadii ka dhacday xaafadda Suurpelto ee Espoo- Laanta baarista dembiyada ee booliska ayaa kiiska baaraysa

Espoo 8.7.2020- Rasaastii xalay (7.7.2020) sagaalkii fiidnimo ka dhacday xaafadda Suurpelto ee Espoo ayeey boolisku sheegeen in uu ku dhintay nin 25 sano jir ah. Dilka ninkan ayeey boolisku u qabteen labo nin oo 40 sano jiryo ah, kuwaas oo looga shakisanyahay in ay ninkan toogasho ku dileen.

Labo hub gacmeed oo la tuhunsayhay in toogashada loo adeegsaday ayeey boolisku ka heleen goobta ay rasaastu ka dhacday iyo meel aan ka fogen.

Boolisku waxay sheegeen in ay hadda baarayaan kiiska waxayna sidoo kale codsanayaan in ciddii war ka haysa dhacdadan ay la soo xiriirto.