Labo kamid ah darawallada tagaasida oo ku dagaalay Maxaddada Elielinaukio iyo mid kamid ah darawalladan oo si kas ah gaarigiisi ugu dhuftay gaariga darawalka kale

Helsinki 30.7.2020- Dagaal gacan-qaad ah oo u dhexeeyay labo darawal oo tagsi waday ayaa ka dhacay boosteejada tagaasida ee ku taal bartamaha Helsinki, gaar ahaan barxadda Elielinaukio.

Warar laga helay booliska oo dhacdadan ku saabsan ayaa waxay sheegayaan in dagaalku uu ka dhashay muran la xiriira faylka tagaasida.

Booliska ayaa sheegay in mid kamid ah labada darawal uu kan kale feer caloosha kala dhacay halka kan kalana uu gaarigiisa si kas ah ugu dhuftay gaariga tagsiga ah ee uu darawalka kale waday.

Booliska ayaa sheegay in ay qabteen darawalka gaariga sida kaska ah ugu dhuftay gaariga kale, kaas oo ay boolisku uga shakisan yihiin in uu galay dembiga ah iskuday jirdil daran ah, darawalka kale ayeey isna booliska uga shakisan yihiin in uu isna jirdil geystay.

Xuquuqda sawirka: Helsingin Taksipalvelu Oy