Kumannaan Muhaajiriin ah oo todobaadyadii la soo dhaafay soo galay Yurub- Jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga oo Muhaajiriin la ciir-ciiraysa

Helsinki 25.5.2021– Tirada muhaajiriinta sababo kala duwan uga soo firxanaya dalalkooda ama dalalkii ay ku noolaayeen ee soo gelaya Yurub ayaa sannadkan markale sare u kacay. Todobaadyadii la soo dhaafay oo kaliya ayaa la soo werinayaa in dalka Talyaaniga ay dhinaca badda ka soo galeen kumannaan muhaajiriin ah oo badankood badda laga soo badbaadiyay.

Dowladda Talyaaniga oo arrintan ka welwlesan ayaa sheegeysa in aan muhaajiriinta la joojin karin, sidaas darteedna loo baahanyahay in Midowga Yurub uu xal wadajir ah ka gaaro xaaladdan cakiran.

Talyaaniga ayaa la filayaa in uu dhowaan soo jeediyo talooyin arrintan lagula tacaalaayo, maadaama uu Midowga Yurub u yahay kadinka ugu halista iyo mashaquulka badan ee ay Muhaajiriintu Yurub ka soo galaan.

Muhaajiriintan oo u badan dad dhallinyaro ah ayaa waxay ka soo hayaameen dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Afghanistan, Eritrea, Waqooyiga Afrika iyo meelo kale oo badan.

Dhallinyaradan ayaa la sheegayaa in badankood ay ka soo cararayaan dhibaatooyin la xiriira nabadgelyada, waxbarashada, shaqo la’aan iyo cadaadis uga imaanaaya maamulada hor-booda dalalkooda.

Isha warkan: YLE