Kooxaha burcaddda dhallinyarada ee falal dambiyeedka sameeya ee Helsinki iyo Espoo oo xaalkoodu meel halis ah maraayo.

Sawirka baabuurka booliska: Sawirku lama xiriiro kiiska

Talaada 08.02.2022. Booliska gobolka caasimadda iyo xarunta dhexe ee dambibaarista booliska ayaa sheegay, in laga soo bilaabo bishii lixaad ee sanndkii la soo dhaafay ay baaritaan ku hayeen falal dambiyeedka ay samaynayeen kooxaha burcadda dhalinyarada ee ka hawlgala jidadka caasimadda.  Waxaana boolisku ay sheegeen in haatan arrinkaas loo gudbiyay xeerilaalinta si ay ugu sameeyaan qiimeynta ku saabsan dacwad soo oogista.

Boolisku waxaa ay falal dambiyeedkaas ku tuhunsan yihiin in ay dhexmareen kooxo dhallinyaro ah oo ka kala socda magaalooyinka Helsinki iyo Espoo.  Waxaa qiimeynta dacwad oogistu ay ku saabsan tahay iskahorimaadyo hubaysan oo dhallinyaradaa ku dhexmaray waddooyinka magaalada iyo is rasaaseyn ka dhacday agagaarka xaafadaha dadku ay deggan yihiin. Waxaa kaloo dacwad oogistaas ka mid ah falal dambiyeedka ay ka midka yihiin jirdil, dhac aad u weyn, xorriyad ka qaadis aad u culus iyo hanjabaad sharci darro ah.

Sida uu sheegay sarkaal ah dambibaare sare oo ka tirsan booliska Helsinki Markku Heinikari, waxaa kooxahaas burcadda ah ay ka kooban yihiin dhallinyaro kala duwan, iyadoo koox walbaana ay leedahay magac u gaar ah. Dhallinyarada xubnaha ka ah kooxahaas waa kuwo sameeya fafal dambiyeedyo kala duwan, sida ka gancasiga maandooriyaha. Waxaa kaloo sarkaalku uu sheegay in mararka qaarkood kooxahaas uu dhex maro iskahorimaadyo hubaysan, kuwaasoo ay sabab u tahay arrimaha la xiriira ka ganacsiga maandooriyaha.

Boolisku waxaa kaloo ay sheegeen in kooxahaas ay hawada isu mariyaan heesaha raabka loo yaqaan, kuwaasoo la isku aflagaadaynaayo, islamarkaana lagu muujinaayo sida ay u jecel yihiin nololmaalmeedka ku salaysan falal dambiyeedka. Sidoo kale waxaa iskahorimaadyada dhallinyarada dhexmaraaya door weyn ku leh noocyada warbaahinta bulshada ee kala duwan oo lagu faafiyo waxa dhexmara dhallinyaradaas.

Dagaalada u dhexeeya dhallinyarada waxaa ay asal ahaan ka soo bilowdeen dhacdadii jirdilka ahayd ee bishii maajo ee sannadkii hore ka dhacday magaalada Helsinki, taasoo lagu tuhunsan yahay xubhana labada kooxood ee kala duwan. Ismaandhaafku wuxuu ka bilwoday sida boolisku ay sheegen iskudaygii dilka ee ka dhacay dhinaca bariga (itäkeksus), halkaasoo wiill 19 sano jir ah uu toorey la dhacay wiil kale oo 18 sano jir ah. Sida boolisku sheegay eedyesanuhu wuxuu ka tirsanaa dhallinyarada Espoo, halka dhibbanahu uu ka tirsanaa dhallinyarada Helsinki.

Sidoo kale Boolisku waxaa ay sheegeen in taxanaha falal dambiyeedka ee socda ay la xiriiraan jirdil ka dhacay hoteel ku yaalla magaalada Helsinki, kaasoo inta la duubay lagu faafiyay baraha bulshada. Jirdilkaas kaddibna koox burcad dhallinyaro oo reer Helsinki ah ayaa weerar ku soo qaaday guri ku yaalla xaafadda Lintuvaara ee magaalada Espoo oo ay koox kale oo dhallinyaro ah ay xaflad ku dhiganayeen. Waxaana kooxdaas weerarka soo qaaday ay xabbado ku rideen dhanka guriga xafladdu ka socotay, iyadoo xabbadahaas mid ka mid ah ay ku dhacday daaqadda guriga, halka mid kalena ay ku dhacday gaari yaallay baarkinka gawaarida, hase yeeshee sida boolisku sheegay cidina kuma aanay dhaawacin weerarkaas. Sidaana waxaa sheegay Aura Lehtinen oo ah sarkaal sare oo dambi baare ah oo ka tirsan boolsika gobolka Uusimaa.

Dhexbartmahii bishii sagaalaad ee sannadkii la soo dhaafay ayaa koox burcad dhallinyaro oo reer Espoo ah waxaa ay xabbado ka rideen ardaaga hore ee guri dabaq ah oo ku yaala xaafadda Leppävaara ee magaalada Espoo.  Mid ka id ah xabbadahaas ayaa ku dhacday daaqadda guri ay dad deggan yihiin. Dadkii guriga ku noolaa xilligaas waxaa ay ku sugnaayeen aqalka gudihiisa, hase yeshee wax dhibaato ah kama soo gaarin xabaddaas.

Booliska magaalada Helsinki waxaa ay markii ugu horreysay shaaca ka qaadeen arrinka la xiriira iskahorimaadyada u dhexeeya kooxaha burcadda dhallinyarada ee ka hawlgala caasimadda iyo nawaaxigeeda bishii Oktoobar ee sannadkii la soo dhaafay ee 2021-ka. Waxaana xilligaas uu boolisku sheegay in ay magaalada Helsinki iyo nawaaxigeeda ka hawlgalaan ugu yaraan 10 kooxoood oo buracad dhallinyaro ah oo wadooyinka ka hawlgala, kuwaasoo ay xubno ka yihiin illaa iyo 100 dhallinyaro ah.

Bishii Oktoobar ee sannadkii la soo dhaafay ayaa boolsika waxaa ay hawlgal ballaaran ka sameeyeen baar lagu caweeyo oo ku yaala wadada kaivohuone ee magaalada Helsinki, waxaana ay boolisku qabteen 10 dhallinayro ah, si loo joojiyo iskahorimaad dhici lahaa. Sida boolisku ay sheegeen waxaa xubnaha kooxaha burcadda ee reer Helsinki ay qorsheeyeen in ay weeraaraan 19 sano jir ah reer Espoo ah oo baarka joogay.

Boolisku waxaa ay sheegeen in ay joojiyeen fal dambiyeedkaas kahor intuusan dhicin. Waxaana fal dambiyeedkaas lagu eedeynayaa 12 dhallinyaro ah oo ka tirsan kooxaha burcadda ee reer Helsinki, iyadoo dambiga loo haystaana uu yahay qorshaynta fal dambiyeedka aadka u weyn ee ah diyaarinta weerar lagu qaado nafta qof kale.  Dhallinyarada fal dambiyeedkaas loo qabtay waxaa ay da’doodu u dhexeysaa 18-26 sano jir. 3 ka mid ah dhallinyaradaas wali waa ay xiran yihiin. Mid ka mid ah dhallinyaradaas waa kan wiilka kale ku toorreeyay xaafadda Itäkekeskus.

Xigasho: HS