Japan oo dhibaatada isdilka ee korona uu keenay awgeed, magacawday wasiir cusub oo loogu magacdaray ”wasiirka kelinnimada”

Qariiradda Japan oo screenshot looga qaaday Google Maps.

Sabti 13.2.2021.  Dalka Japan ayaa tirada dadka isdila si aad ah kor ugu kacday markii ugu horreysay muddo haatan laga joogo 11 sano, waxaana sababaha isdilka kor u qaaday loo aanaynayaa dhibaatooyinka ka dhashay amaba uu keenay feyruska korona, gaar ahaan kelinnimada.

Waxyaabaha dhibaatada gaarka ah keenay ayaa ka mid ah go’doominta iyo karantiilka la geliyo dadka laga helay feyruska korona, iyo waliba shaqada lagu qabanaayo guriga dhexdiisa ee dhanka internetka loo adeegsanaayo.

Haddaba sida uu sheegay wargayska ka warrama arrimaha dhaqaalaha ee la yiraahdo Asia Nikkei, ayaa dowladda ra’iisulwasaare Yoshihide Suga, waxaa ay xoogga saaraysaa sidii ay arrinkaas wax uga qaban lahayd, iyadoo howshaas laga duulayana waxaa uu ra’iisul wasaaruhu magacaabay wasiir cusub oo loo dhiibay jagada ah ”wasiirka kelinnimada”, waxaana loo magacaabay Tetsushi Sakamoto, waxaana ay shaqadiisu tahay in uu iskudduwe ka noqdo xiriirka u dhexexeeya wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee kala duwan, islamarkaana uu baadigoobo qaababkii loo khafiifin lahaa welwelka iyo istereeska haya bulshada reer Japan ee uu koronuhu sababay.

Welwelka ay keentay kelinnimada ayaa ah dhibaato wax kaqabashadeeda mideyneysa dowladda iyo mucaaradkaba. Waxaana xisbiga talada dalka Japan haya ee LDP uu ballanqaaday in bishan gudaheeda uu qaadi doono tillaabooyin wax ku ool ah oo arrinkaas wax lagaga qabanaayo.

Dhibaatooyinka uu sababay korona ayaa ah iskuulladii iyo goobihii shaqada oo xiran iyo xiriirka dhanka bulshada oo yaraaday. Sidoo kale cudurkaan safmarka ah ayaa sababay in dad badan ay shaqo la’aan ku dhacdo, dhibaatooyinka dhaqaale ee dadka haystaana waa sii adkaadeen. Waana sababahaas kuwa keenay in tirada isdilka ee Japan ay kor u kacdo, gaar ahaan dhinaca haweenka.

Sannadkii la soo dhaafay ee 2020 sida ay sheegayaan tirakoobyadii la sameeyay, dalka Japan oo tirada ddakiisu tahay 126 milyan, waxaa isdilay dad gaaraya 20 919. Tiradaas waxaa ay 750 qof ka badan tahay tirada dakii isdilay sannadkii 2019-kii. Waxaana aad u sii kordhaya tirada haweenka iyo ardayda isdilaysa.

Sababahaas awgood ayuu Japan qaatay nidaamka ah in la sameeyo wasiirka kelinnimada, sida ayba hore arrinkaas u qaadatay dowladda Ingiriiska sannadkii 2018-kii, waxaana ujeedadu tahay si looga hortago dhibaatooyinka ay keeni karto kelinnimada.

Dalka Finland oo kelinnimada ay tahay dhibaato jirta ayaa xagga isdilka waxaa uu qaaradda Yurub kaga jiraa kaalinta shanaad, waxaana ka horreeya dalalka Lithueniya, Latvia, Hungery, iyo Biljam.

Finland waxaa 100.000 ee qof ee kastaa isdila 13 qof. Tusaale ahaan sannadkii 2019-kii waxaa Finland isdilay 746 qof  (567 rag ah iyo 179 haween ah), Sannadkii 2018-kii waxaa tirada isdishay ay ahayd 810 qof ( 618 rag ah iyo 192 haween ah). Finland ayaa shaqo xoog leh ka qabatay sidii loo yarayn lahaa tirada isdilka, taasoo keentay in sannad walba kan ka dambeeya ay ka siiyaraato tirada dadka isdilaaya.