Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland oo kulan dhiirrigelin iyo taageero ah u qabatay Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo ka tirsan Baarlamaanka Finland

Photo: SSMV

Kulan si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacay magaalada Helsinki, Finland ayaa waxaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay Xildhibaan Suldaan Said Ahmed.

Shiikh Sharmarke/Pohoto SSMV

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa ugu horreyn lagu furay Aayado Quraan ah iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyay Allaha xafidee Shiikh Sharmarke Aw-Musse.

Shiikha ayaa ka hadlay muhiimadda ay midnimadu leedahay iyo sida shakhsi-shakhsiga ah ee ay Soomaalidu ugu dhex-muuqdaan bulshada Finland islamarkaasna ay horumar la taaban karo uga sameeyeen dhan kasta oo nolosha ah.

Codka iyo waxqabadka Soomaalida oo la mideeyo ayuu sheegay Shiikh Sharmarke in looga bixi karo kala qoqobnaanta.

Nimco Nuur iyo Xildhibaan Suldaan

Barbaariso, macallimad iyo qoraa Nimco Nuur oo horseed u ahayd dadka sida gaarka ah xoogga u saaray hirgelinta kulanka ay Jaaliyaddu shahaado-sharafta ku guddoonsiisay Xildhibaan Suldaan ayaa sheegtay, in Suldaan xilliga kooban ee sannadka ah ee uu baarlamaanka Finland ka tirsanaa ku qabtay waxqabadyo cad oo marqaati leh.

Barbaariso Nimco ayaa intaas ku dartay in Suldaan mudanyahay mahadnaq iyo bogaadin iyo weliba garab-istaag xilli kasta ah: ha ahaato xilliyada doorashada ama xilliyada kale ee aanay doorasho jirin.

Liibaan sheekhdoon/Photo ssmv

Aqoonyahay Liibaan Sheekhdoon ayaa isna dhankiisa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in Soomaalidu ay in ka badan 30 sano kaddib oo ay dalkan degganayd yeelato xildhibaan ka tirsan Golaha Sharci-dejinta Finland.

Dhallinyarada yaraanta ku soo gashay Finland ama kuwa ku dhashay ayuu Liibaan sheegay, in ay u baahan yihiin qof tusaale u ah oo ay ku daydaan. Liibaan ayaa ku taliyay, in Suldaan la taageero si uu tusaale ugu sii noqdo da’yarta Soomaaliyeed ee waddanka ku dhaqan.

Adam Mx/Photo ssmv

Injineer Adam Mx ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in xildhibaan Soomaali ah uu Baarlamaanka Finland ka tirsanyahay. Midnimo iyo wadajir iyo codka oo la mideeyo ayaa ah sida uu Adam sheegay, habka kaliya ee lagu gaari karo hammiga ay bulshada Soomaaliyeed ee Finland leedahay . Ugu dambeyntii wuxuu Adam Soomaalida kula dardaarmay in ay codeeyaan oo aanay codkooda la seexan.

Suxufi Wali Hashi /Photo SSMV

Suxufi Sare Wali Hashi oo madasha ka hadlay ayaa ka hadlay waayo-aragnimada uu u leeyahay ka dhex-muuqashada bulshada Finland iyo sidoo kale hababka ay Soomaalidu tusaale ahaan uga falceliso waxqabadyadiisa. Ugu dambeyntii wuxuu Wali xildhibaanka kula taliyay, in marka waxqabadkiisa la dhaliilo/dhaleeceeyo ama wax laga sheego uu laba-jibbaaro ama kordhiyo waxqabadkiisa.

Suxufi Mohamed Inrahim Bakistaan /Photo ssmv

Mohamed Ibrahim (Bakistaan) oo ah rug-caddaa saxaafadeed oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay, in la joogo wakhtigii loo midoobi lahaa taageerada Xildhibaan Suldaan. Bulshada Soomaaliyeed ayuu Bakistaan ugu baaqay in ay barbar-istaagto Suldaan, si uu markale dib ugu soo laabto baarlamaanka Finland.

Suxufi Abdi Musse7Photo ssmv

Suxufi Abdi Musse ayaa isna sheegay, in suxufinnimadiisu aanay u diidayn in uu taageero xildhibaan Suldaan, maadaama ay hal qaanad ku wada jiraan bulshada Soomaaliyeedna ka wada tirsan yihiin. Waxaan u baahannahay in Baarlamaanka Finland nalagu metelo, sidaas darteed yaanay xisbiyadu codkeenna qaybsan ee aan mideyno codkeenna kaddibna hal qof iyo ka badan wixii aan soo saari karno soo saarno ayuu Abdi Musse hadalkiisa ku sii daray.

Gunaanadkii madasha ayuu Xildhibaan Suldaan si kooban uga hadlay ka sokow hawlaha baarlamaanka ee u qabsoomay iyo kuwa uu gacanta ku hayo, xaaladda ban’aadminimo ee ka jirta Geeska Afrika, maadaama uu yahay ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda ee Finland u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika.

Suldaan wuxuu sheegay, in dalalka Geeska Afrika ee ay Soomaalidu ku dhaqantahay ay ka jirto xaalad bani’aadmino oo u baahan in wax laga qabto. Wuxuu dhanka kale aqoonyahannada iyo waxgaradka Soomaalida ah ee Finland ku dhaqan kula taliyay in ay dowladda Finland u soo gudbiyaan qorshayaal wax looga qaban karo dalkooda.

Xildhibaanka ayaa ballanqaaday, in uu Soomaalida Finland u qaban doono kulamo uu ku soo bandhigayo qorshihiisa siyaasadda ee mustaqbalka, maadama kulanka maanta aanu ahayn mid olole siyaasadeed ah.

Suomen somalimediaverkosto.

Sawirada: SSMV