Howlaha looga hortagaayo Korona oo la sii adkaynaayo- Dowladdu waxaa ay soo bandhigtay isticmaalka qodobo khuseeya xukunka degdegga ah

Shirkii jaraa'id ee golaha wasiirrada 8.3/ Xuquuqda sawirka: Suomen Somali Media SSM

Jimce 05.03.2021. Dowladda ayaa manta go’aan ku gaartay in ay baarlamaanka u gudbiso qodobo dhinaca sharciga ah oo la doonayo in lagu dhaqmo xilliga xukunka degdegga ah. Ra’iisul wasaaraha dalkan Finland Sanna Marin ayaa sheegtay in sababta howlahaan aadka culus loo qaadanaayo ay tahay xaaladda aadka u xun ee feyruska korona ee socota awgeed.

 Qodobka koowaad: waxaa uu magaalooyinka iyo degmooyinka dalka u oggolaanayaa suurtaggalnimada ah, in wixii ballamo ama qalliin daryeel ah oo aan degdeg ahayn ee hore sharciga dalka loogu qeexay, ay joojin karaan. Ujeedaduna waxaa ay tahay sidii loo sugi lahaa in awoodda caafimaadka ay noqoto mid ku filan, haddii tirada bukaannada korona ee isbitaallada ay sii kordhaan.

Qodobka labaad: waxaa uu u oggolaanayaa wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada iyo mas’uulyiinta maamul goboleedyada, suurtaggalnimada ah in ay amri karaan in waaxaha daryeelka guud iyo kuwa gaarka ah, ay wax ka beddelaan howlahooda waxqabadka daryeelka, haddii xaaladda cudurka safmarka ah ay wax kaqabashada arrinkaas u baahato.

Qodobka saddexaad: ee aan caadiga ahayn, waxaa uu kordhinayaa awoodaha ra’iisul wasaaraha. Haddii mas’uuliyiinta dowladda iyo hay’adaha kale ee shaqada haya ay ku kala argti duwanaadaan awoodahooda waxqabad, waxaa markaa arrinka go’aan ka gaaraya golaha wasiirrada, kaddib marka ra’iisul wasaaruhu u soo gudbiyo.

Qodobka afaraad: ee aan caadiga ahayn waxaa uu xoogga saari doonaa in golaha wasiirradu ay la wareegaan hoggaanka gudbinta wararka dowladda. Ujeedadu waxaa ay tahay in la sameeyo war isgaarsiin isu dheelitiran. Dowladduna iyada ayaa si toos ah ula wareegeysa arrimaha warbaahinta.

Ugu dambaynta qodobadda xukunka degdegga ah waxaa go’aan ka gaaraaya baarlamaanka.

Qodobadan xukunka degdegga ah waxaa ay dhaqngeli doonaan khamiista 11 bisha Maarso, waxaana ay socon doonaan illaa iyo 30-ka bisha Apriil.

Waxaa kaloo ay ra’iisul wasaaruhu dadweynaha xusuusisay in qodobadaan kaligood aanay waxba tarayn, ee qof walba looga baahan yahay in uu ka soo baxo mas’uuliyaddiisa shakhsi ahaaneed ee ka saaran ka hortagga faafista feyruska.

Ra’iisul wasaare Sana Marin waxaa ay tiri: “waa in lagu dadaalaa kala fogaanhsha, laga taxaddaraa nadaafadda caafimaadka ee gacmo dhaqista, sidoo kale in la isticmaalo afshareerka, lagana fogaado la kulanka dadka kale”.

Isniinta soo socta ee 8.3 waxaa dalka ka bilaabanaya saddex toddobaad oo jidxir guud lagu samayn doono dalka oo dhan, kaasoo socon doona illaa iyo 28.3. Waxaana jidxirkaas uu la xiriiraa, in la xiri doono iskuullada wixii ka bilowda dugsiga dhexe, sare, macaahidda iyo jaamacadaha oo ardaydu ay waxbarashada dhanka internetka ku qaadan doonaan, sidoo kale waxaa la xirayaa goobaha hiwaayadaha, iyadoo isuimaatinka guudna lagu xadiday illaa lix qof.  Waxaa sidoo kale dowladdu ay diyaarisay in haddii loo baahdo la soo rogi doono bandow xagga socodka ah, kaasoo xayiraad lagu samayn doono dhaqdhaqaaqa dadka, oo tusaale ahaan aan la oggolaan doonin saacadaha qaarkood in dadku ay dibadda socdaan, inkasta oo ay ra’iisul wasaaruhu sheegtay in qodobkaas aan wali loo baahnayn in la isticmaalo.

Xigasho:Yle, MTV3.