Haweeney da’ dhexaad ah oo ku dhimatay dab saqdii dhexe ka kacay guri dabaq ah

Helsinki 26.7.2020- Xaafadda Lauttasaari ee magaalada Helsinki ayaa waxaa ku geeriyootay haweeney da’ dhexaad ah kaddib markii uu dab qabsaday aqal labo qol ka kooban oo ka deganeyd dabaqa labaad ee dhismaha cinwaankiisu yahay Itälahdenkatu 14.

Ciidamada dab-damiska oo goobta gaaray ayaa xoog ku dhex-muquuray dabkii iyo qiiqii guriga ka baxayay, laakiin nasiibdarro waxay aqalka ugu tageen haween geeriyootay.

Booliska oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in ay haatan baarayaan sababta dabka keentay wixii faahfaahin ahna ay dib ka soo sheegi doonaan.

Xuquuqda Sawirka: Helsingin uutiset