Giriiga oo dalbanaya in laga horatago waxa ay ugu yeereen damaca Turkiga.. Ordogan oo leh waan difaacanayenaa xuquudeena, mana yeeleyno hanjabaad.

ANKARA, TURKEY - AUGUST 30: (----EDITORIAL USE ONLY – MANDATORY CREDIT - "TURKISH PRESIDENCY / MURAT CETINMUHURDAR / HANDOUT" - NO MARKETING NO ADVERTISING CAMPAIGNS - DISTRIBUTED AS A SERVICE TO CLIENTS----) Turkish President Recep Tayyip Erdogan speaks at the National Defense University Military Schools Diploma and Banner Handover Ceremony in Ankara, Turkey on August 30, 2020. ( Tur Presidency/Murat Cetinmuhurdar - Anadolu Agency )

Madaxweynaha dalka Turkiga Tayeb Ordogan ayaa maanta sheegay in dalkiisu uu wadi doono difaaca xuquuqdooda ee Bariga badweynta dhexe ee Meditereeniyaanka, mana oggolaaneyno ayuu yiri hanajabaad iyo in dirqin nalagu sameeyo. Halka dhinaca kale ay Giriiga ka soo yeereyso qeylo dhaan ku saabsan ka hortagga waxa ay ugu yeereen “damaca turkiga”.

Hadalladaan Ordogaan ayaa waxaa uu ka jeediyay munaasabad lagu xusaayay maalinka guusha oo ah markii ay ciidamada Turkiga ee uu hogaaminayay Mustafa Ataatork ay ka guuleysteen ciiidamadii huwanta ahaa iyo kuwii giriigga 30.8.1922.

Madaxweynaha Turkiga Ordogaan ayaa munaasabadaas ka sheegay in dalkiisu uusan yeeli doonin in wax loo yeeriyo, islamarkaana ay sii wadi doonaan difaaca xuquuqdooda iyo masaalixdooda ee waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah iyo heshiisyada u dhexeeya labada dal.

Dhinaca kale xisbiga haya talada dalka Giriiga ayaa ku baaqay in laga hortago waxa ay ugu yeereen damaca turkiga ee xuquuqda Giriiga iyo bariga badweynta dhexe ee miditereeniyaanka. Waxaana ay xukuumadda Turkiga ku eedeeyeen in dagaal iyo xagxagasho ay ku sameyneyso waddamada deriska la ah, iyadoo ku marmarsiyoonaysa ayay yiraahdeen difaaca xuquuqdooda qaanuun ahaan.

Ururuka Midowga Yurub ayaa sida uu sheegay isuduwahooda arrimaha dibadda, waxaa suurtaggal ah in uu tillaabooyin ka dhan ah Turkiga qaado, haddii aanu Turkigu wax horumar ah ka sameynin muranka ku saabsan qodista gaaska bariga badweynta dhexe ee miditereeniyaanka.

Gabagabadii shir ay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Yurub ku yeesheen Axaddii 30.8 magaalada Berliin, ayay caddeeyeen in tilaabooyinkaas la qaadi doono ay noqon doonaan kuwo ka dhan ah shakhsiyaad, doomo iyo adeegsiga dekadaha yurub, iyagoo ugu baaqay dawladda Turkiga in ay joojiso waxa ay ku tilmaameen tillaabooyinka gooni socodka ah, haddii kale ay suurtaggal tahay in lagu soo rogo cunaqabatayn xagga dhaqaalaha ah.

Sabtidii la soo dhaafay ayay ciidamada Turkigu ka bilaabeen dhoolatus milatari oo cusub bariga badda miditereeniyaanka, kaasoo socon doona muddo laba toddobaad ah. Waxaana arrinkaas uu tilmaan u yahay in muranka u dhexeeya Turkiga iyo Giriigga ee ku saabsan awood qaybsiga ilaha gaaska ah ee gobolkaas uu ocon doono muddo aad u dheer.

Isha Warka / Aljazeera.net