Fursad aad diinta ku baran karto adigoo gurigaaga jooga

Fursad aad diinta ku baran karto adigoo gurigaaga jooga

Xarunta HIRAAL EDUCATION AND TRAINING ayaa kuu diyaarisay fursad qaali ah oo gurigaaga kuu soo gashay, garwadeenna ay ka yihiin culimo aqoon iyo karti leh, waxaana ka mid ah sheekheena Sh. Cabdiweli Sh Maxamed Xaaji yuusuf oo reer Finland ay si wanaagansan u garanayaan, haddaba faahfaahinta xarunta iyo sida aad wax uga baran karto, iyo waliba duruusaha khaaska ah ee bisha Ramadaan laguugu talaggalay, waxaad ka akhrisataa qoraalka hoos ku qoran.

Hiraal Education and Training waa xarun waxbarasho, tababarro iyo la-talin oo ka diiwaangashan Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya.

ADEEGYADA WAXBARASHADA EE XARUNTA

Hiraal Education and Training waxay kuu haysaa Waxbarasho online oo casri ah, Waa aqoon tayadeeda ay sarayso oo aad ka helidoonto diploomooyinkan kala ah:

  • Diplomada shareecada Islaamka (Diploma in shra,e Sciences, DSS)
  • Diplomada luqada carabiga ( Diploma in Arabic Language )
  • Diplomada macallinnimada (Diploma in Education)

MUDADA DIPLOMADA

  • Waa 2 sano

MAALMAHA WAXBARASHADA

  •  Waa 2 maalin oo kamid ah maalmaha shaqada (working days)

SAACADAHA WAXBRASHADA

  • Waa galin dambe ah xilliga shaqooyinka laga soo baxo

MAADOOYINKA LAGU BARANAYO

Waxaa lagu baranayaa 7 maado oo kala ah

  • Tafsiirka quranka Kariimka (30) ka juz
  • Asuulu Tafsiir
  •  Caqiidah
  • Axaadiith al-axkaam
  • Musdalaxul xadiith
  • Usuul Fiqhi
  • Qawaacid Fiqhiyya

BARAYAASHA IYO CULIMADA MACADKA HIRAAL

Waa culimo iyo aqoonyahan ku xeeldheer shareecada Islaamka, sitana shahaadada ugu sarraysa ee heerka waxbarashada PhD

  1. Dr. Abdiasis Ali Ahmed
  2. Dr. Harun Sheikh Husein
  3. Dr. Osman Ali Farah
  4. Dr. Abdiwali Sh. Mahamed Haji Yuusuf Ahmed

QIIMAHA (TUITION FEES)

Ardayga rabo in uu dhigto diplomada shareecada waxaa laga rabaa in uu bixiyo:

  • kharashka Isdiiwaangalinta: waa $20.00
  • kharashka waxbarashada ee muddada labada sano (2) ah: waa ($600.00) Waxaa loo bixin karaa sidan hoos ku qoran:
  •  Dhammaan kharashka oo hal mar oo ah ($600.00)
  • Hal hal sano oo ah ($300.00) halkii sanaba
  • Lix lix bilood oo ah ($150.00)
  • Afar afar bilood oo ah ($100.00)

——

BISHA RAMADAAN

Waxaa Sh Cabdiweili oo ka tirsan Culimada machadka uu bishan Ramadaan bixin doonaa duruuso. Is diiwangeli oo ka faa’iidayso waqtigaaga.

MAALMAHA & SAACADAHA DURUUSTA

Bisha Ramadaan

Sabti 14:00-16:00 Somalia Time

Axad 14:00- 16:00 Somalia Time

Ramadaanka kadib

Talaado:17;30- 19:30 Somalia Time

Khamiis 17;30- 19:30 Somalia Time

Iska diiwaangali webka Machadka Hiraal oo ah hiraaledu.com