Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 844 qof oo hor leh.

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaca 11.08.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 844 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 114 281 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 105 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 498 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 79 qof, gobolka  waxaa laga helay 47qof iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 60 qof .

Magaalooyinka ugu badan ee dalkaan Finland laga helay feyruska waa sidatan soo socota:

tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 238
Espoo 95
Vantaa 84
Turku 47
Tampere 42
Jyväskylä 17
Salo 13
Kotka 13
Porvoo 13
Oulu 13
Kerava 12
Nurmijärvi 12
Rauma 10
Lappeenranta 9
Varkaus 8
Seinäjoki 8
Hyvinkää 7
Sipoo 6
Kirkkonummi 6
Eurajoki 6
Ylivieska 6
Pori 5
Nokia 5
Kouvola 5
Kauniainen 5
Lahti 5
Järvenpää 4
Hamina 4
Pirkkala 4
Haapavesi 4
Riihimäki 4
Maarianhamina 3
Iisalmi 3
Laitila 3
Uusikaupunki 3
Mäntsälä 3
Laukaa 3
Rovaniemi 3
Kauhava 3
Kajaani 3
Eura 3
Lohja 3
Joensuu 3
Ylöjärvi 3
Pyhäranta 3

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 83 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 19 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 995 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 11 588 oo qof, kuwaasoo 7 947 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 444 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 2 190 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 7 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 06.08).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,75 milyan oo qof, taasoo u dhigmata 67,6% tirada dadka Finland. Labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 2,19 milyan, taasoo u dhigmata 39,4 % tirada dadka Finland (11.08.).