Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 544 qof oo hor leh

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaco 07.09.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 544 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 131 054 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 80 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 216 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 101 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 20 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1029 qof.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay 4 054 262, in ka badan 72,4% tirada dadka Finland. Labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad  2 962 426 , taasoo u dhiganta 53,3 % tirada dadka Finland (06.09.).

Xigasho: YLE,HS