Finland waxaa laga helay maanta 797 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 4 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Arbaco 03.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 797 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 59 442 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 7 847 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 78 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 465 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 114 qof, iyo gobolka Satakunta oo 65 qof ah, sidoo kale gobolka Pirkanmaa waxaa laga helay 36 qof.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 218 Naantali 4
Vantaa 96 Vihti 4
Turku 66 Riihimäki 4
Espoo 59 Karkkila 4
Rauma 55 Rautalampi 4
Tampere 23 Tuusula 4
Kaarina 16 Myynämäki 3
Joensuu 14 Järvenpää 3
Lappeenranta 14 Mustasaari 3
Kerava 14 Kuopio 3
Nurmijärvi 14 Eura 3
Oulu 11 Kemiönsaari 3
Mikkeli 9 Uusikaupunki 3
Jyväskylä 8 Laittila 2
Porvoo 8 Lempäälä 2
Oripää 8 Seinäjoki 2
Kirkkonummi 7 Mäntsälä 2
Maarianhamina 7 Ylöjärvi 2
Nokia 7 Hämeenlinna 2
Hyvinkää 6 Iisalmi 2
Pori 6 Ylivieska 2
Kauniainen 6 Jokioinen 1
Lohja 6 Siikajoki 1
Sipoo 6 Vaasa 1
Lieto 5 Kauhajoki 1
Kontiolahti 5 Kittilä 1
Raasepori 5 Lapinlahti 1
Salo 4 Hanko 1
Lahti 4 Tammela 1
Ilmajoki 1 Pornainen 1
Pornainen 1 Sotkamo 1
Heinola 1 Siuntio 1
Hausjärvi 1 Parikkala 1
Asikkala 1 Kankaanpää 1
Pyhäjöki 1 Kotka 1
Kempele 1 Valkeakoski 1
Imatra 1 Orimattila 1
Savonlinna 1 Rovaniemi 1
Hollola 1 Kouvola 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 258 qof, waxaana ku korodhay tiradii hore 13 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  37 qof, waxaana ku soo kordhay 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 759 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta 4 xaaladood oo dhimasho cusub ah.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 274 qof, kuwaasoo 1 205 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 68-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

  • Dowladdu waxay soo bandhigtay Khamiistii 25.2 howlo cusub oo looga hortagaayo koronaha (2. uusia koronatoimia), kuwaasoo loogu talaggalay gobollada ku jira xaaladaha faafista iyo karaarqaadshada ee feyruska.

 

  • 8-da bisha Maarso ardayda dugsiyada dhexe, sare iyo kuwa macaahidda waxaa ay geli doonaan 3 toddobaad oo waxbarashada Internetka ah. Sidoo kale maqaaxiyaha ayaa la xiri doonaa qaar ka mid ah gobollada dalka laga bilaabo 8.3, haddii uu baarlamaanku arrinkaas anisixiyo. Waxaa kaloo dowladdu ay waddaa qorshaha ah in dalka lagu sameeyo saddex toddobaad oo jidxir ah (sulkutilasta).

 

  • Maamullada gobollada iyo degmooyinku waxaa ay awood u leeyihiin, in ay xiraan goobaha gaarka ah ee hiwaayadaha iyo goobaha macaamiisha, ama waxaa ay xadayn karaan cadadka macaamiisha, muddo laba toddo- baad ah.

 

  • Dowladda dalkaan Finland waxaa ay howlaha xadaynta u dejisay saddex heer oo kala duwan (rajoitustoimista kolme eri tasoa), si looga hortaggo nooca cusub ee feyruska korona. Waxaa ay dowladdu soo jeedisay in dalka la geliyo Heerka labaad, howlaha xadaynta feyruskana laga dhaqan geliyo gobollda ku jira heerka faafista feyruska, sidoo kale waxaa ay talo ahaan u soo jeedisay in isla howlahaas oo kale laga dhaqangeliyo gobollada ku jira heerka karaarqaadashada. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa soo socda in la soo rogi doono bandow socodka ama dhaqdhaqaaqa lagu diidaayo.

 

  • Haalkaan (Täältä) waxaad ka arkaysaa xaaladdii ugu dambaysay ee faafista feyruska ee magaalada aad deggan tahay iyo inta qof ee tallaalka qaadatay, sidoo kale waxaad ka arkaysaa sida xaaladda feyrusku ay u socoto Finland gudaheeda iyo adduunweynaha oo dhan. Warbixinta dheeraadka ah ee ku saabsan xaaladda gobolkaaga halkaan ayaad ka akhrisan kartaa (täältä).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 404 436 qof (03.03).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       37 812 431     115 410 405
             859 351          2 562 730

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 29,370,705    56 890    1 989  529 214
2 Hindiya 11,139,323    15 704       110  157 385
3 Baraaziil 10,647,845    58 237    1 726  257 562
4 Ruushka   4,268,215    10 565       441    86 896
5 Ingiriiska   4,188,400      6 391       343  123 296
6 Faransiiska   3,783,528    22 857       330    87 220
7 Isbeyn   3,130,184      6 484       192    69 801
8 Talyaaniga   2,955,434    17 083       343    98 288
9 Turkey   2,723,316    11 837         68    28 706
10 Jarmalka   2,462,061      6 492        401    71 325
11 Kolombiya   2,259,599      4 339        106    59 972
12 Arjantiin   2,118,676      6 653        115    52 192
13 Meksiko   2,089,281      2 343        437  186 152
14 Poland   1,719,708      7 937        259    44 051
15 Iiraan   1,648,174      8 495          86    60 267
16 Konfur-Afrika   1,514,815         856       194    50 271
17 Ukriane   1,357,470      5 336        162    26 212
18 Indonesia   1,347,026      5 712        193    36 518
19 Peru   1,338,297      5 358        209    46 894
20 Czechia   1,252,416    12 301        182    20 834
21 Netherlands   1,096,433      3 981          65    15 649

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS