Finland waxaa laga helay maanta 422 qof oo uu ku dhacay feyruska korona ah iyo 5 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Isniin 29.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 422 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 76 425 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 091 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 56 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 244 qof, gobolkaVarsinais-Suomi oo laga helay 45 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 41 qof .

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 132 Masku 3
Vantaa 48 Kaarina 2
Espoo 40 Koski Tl 2
Turku 35 Järvenpää 2
Lahti 19 Oulu 2
Tampere 18 Joensuu 2
Nokia 9 Ypäjä 2
Hämeenlinna 8 Hyvinkää 2
Tuusula 8 Nurmijärvi 2
Mikkeli 7 Rovaniemi 2
Kerava 6 Kokkola 2
Lappeenranta 5 Lohja 2
Jämsä 5 Eurajoki 2
Säkylä 5 Janakkala 2
Kouvola 4 Virrat 2
Jyväskylä 4 Imatra 1
Hamina 4 Hattula 1
Hamina 6 Kittilä 1
Ylöjärvi 3 Lemi 1
Hollola 3 Akaa 1
Oulu 5 Porvoo 1
Kotka 3 Vaasa 1
Savonlinna 3 Salo 1
Kuopio 3 Riihimäki 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 313 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  54 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 822 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay in 5 qof oo hor leh ay maanta u dhinteen feyruska korona. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 22 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 584 qof, kuwaasoo 2 403 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 180-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 932 253 oo qof (29.03)

 Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 

42 959 557

 

127 863 603

 

 

Tirada u dhimatay feyruska

 

 

944 654

 

 

2 797 663

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 30,962,803    44 096       510  562 526
2 Baraaziil 12,534,688    44 326    1 065  312 299
3 Hindiya 11,039,210    68 206       295  161 881
4 Faransiiska   4,545,589     37 014       131    94 596
5 Ruushka   4,519,832       9 088      336    97 740
6 Ingiriiska   4,333,042       3 862        19  126 592
7 Talyaaniga   3,532,057     19 661       297  107 933
8 Isbeyn   3,255,324                  75 010
9 Turkey   3,208,173    29 058       153    31 076
10 Jarmalka   2,786,345    13 651         64    76 468
11 Kolombiya   2,308,730      7 139       165    62 955
12 Arjantiin   2,308,597      7 208          81    55 449
13 Poland   2,250,999    29 261        131    51 884
14 Mexico   2,224,767      4 922        567  201 429
15 Iiraan   1,855,674      8 751          89    62 397
16 Ukraine   1,644,063    11 932        203    31 954
17 Koonfur-Afrika   1,545,431        965           15    52 633
18 Peru   1,529,882      8 909         231    51 469
19 Czechia   1,515,050      3 965         130    25 984
20 Indonesia   1,496,085      4 083           85    40 449
21 Netherlands   1,252,437      7 430           15    16 465

Xigasho: YLE, HS,WORLDOMETERS