Finland waxaa laga helay maanta 358 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 2 dhimasho cusub ah

Khamiis 11.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 358 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 49 165 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 62 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 219 qof, gobolkaVarsinais-Suomi oo laga helay 51 qof, iyo gobolka Satakunta oo 12 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 108 qof, Vantaa: 38 qof , Espoo: 26 qof, Turku: 22 qof, Järvenpää: 14 qof, Paimio: 10 qof, Kerava: 10 qof, Jyväskylä: 9 qof, Savonlinna: 8 qof, Tuusula: 8 qof, Parainen: 7 qof, Pori: 7 qof, Oulu: 5 qof, Tampere: 5 qof, Waxaa min 4 qof laga helay magaalooyinka kala ah: Salo, Lappeenranta, Kalajoki, Kirkkonummi, Kouvola, iyo Rauma, sidoo kale magaalooyinka kala ah: Nurmijärvi iyo Seinäjoki waxaa laga helay min 3 qof. Magaalooyinka kala ah: Uusikaupunki, Tornio, Kaarina, Lahti, Kontiolahti, Inkoo, Alajärvi, Riihimäki, iyo Vaasa: waxaa laga helay min 2 qof. Inta soo hartay ee magaalooyinka kale ahna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 112 qof sida ay sheegtay hay’adda THL,  kuwaasoo 16 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 708 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta in ay laba qof oo hor leh u dhinteen feyruska korona.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 187 384 qof (11.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

     35 067 798    107 915 640
           784 040         2 366 880

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 27,897,214    96 806   3 432  483 200
2 Hindiya 10,871,060    12 760       119  155 399
3 Baraaziil   9,662,305    60 271    1 357  234 945
4 Ruushka   4,012,710    14 494       536    78 134
5 Ingiriiska   3,985,622    13 013    1 001  114 851
6 Faransiiska   3,385,622    25 387       296    80 443
7 Isbeyn   3,023,601    18 114       643    63 704
8 Talyaaniga   2,668,266    12 956       336    92 338
9 Turkey   2,556,837      8 642          95    27 093
10 Jarmalka   2,311,297      9 246        708    63 979
11 Kolombiya   2,173, 347      6 443        226    56 733
12 Arjantiin   2,001,034      7 739        108    49 674
13 Meksiko   1,946,751    10 738     1 701  168 432
14 Poland   1,563,650      6 935        360    39 721
15 Iiraan   1,488,981      7 585          61    58 686
16 Konfur-Afrika   1,482,412      3 159        276    47 145
17 Ukriane   1,253,055      3 409        163    23 934
18 Peru   1,203,502      6 724        233    42 859
19 Indonesia   1,183,555      8 776        191    32 167
20 Czechia   1,055,506    10 253        118    17 711
21 Netherlands   1,012,908      3 183          79    14 590

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS