Finland waxaa laga helay maanta 302 xaaladood oo feyruska korona ah

Talaada 02.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 302 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 45 784 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 63 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 152 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 34 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 26 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 72 qof, Espoo: 25 qof, ,Vantaa: 23 qof ,Turku: 21 qof, Jyväskylä: 13 qof, Vaasa: 8 qof, Kaarina, Savonlinna iyo Tuusula: oo min 6 qof laga helay. Lahti, Kirkkonummi iyo Oulu: oo min 5 qof laga helay. Magaalooyinka kala ah Mäntsälä, Vihti, Seinäjoki, Kouvola iyo Kerava: oo min 4 qof laga helay. Sidoo kale magaalooyinka kala ah Loimaa, Mustasaari, Loppi, Raahe, Tornio, Kajaani, Sipoo, Porvoo, Kankaanpää, Kemi, Kaustinen, Hyvinkää, Rovaniemi, Kurikka, Salo, Riihimäki, Mikkeli, Lappeenranta, iyo Nurmijärvi oo min 2 qof laga helay. Inta kale ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 135 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 17 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 677 qof.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 145 557 qof (1.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

     33 591 899    103 997 587
           743 494       2 249 611

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 26,911,375  125 454    1 904  454 213
2 Hindiya 10,767,206      8 587          94  154 522
3 Baraaziil 9, 230,016    25 285        609  225 143
4 Ruushka 3,868,087    17 648        437   73 619
5 Ingiriiska 3,835,783    18 607        406  106 564
6 Faransiiska 3,201,461      4 347        455    76 512
7 Isbeyn 2,852,729    25 867        254    59 081
8 Talyaaniga 2,560,957      7 952        329    88 845
9 Turkey 2,485,182      7 719        124    26 117
10 Jarmalka 2,232,316      6 630        619    58 396
11 Kolombiya 2,104,506      9 622        289    54 272
12 Arjantiin 1,933,853      6 614        275    48 249
13 Meksiko 1,864, 260      7 030        462  158 536
14 Poland 1,515, 889      2 507          43    37 223
15 K/afrika 1,456, 309      2 548        235    44 399
16 Iiraan 1,424,596      6 597          79    58 038
17 Ukriane 1,221,485      2 030          61    22 768
18 Peru 1,142,716       4 477        155    41 181
19 Indonesia 1,089,308     10 994        279    30 277

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS