Finland waxaa laga helay maanta 227 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Axad 16.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 227 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 90 105 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 877 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 47 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay110 qof,  gobolka Keski-Pohjanma oo laga helay 24 qof, iyo gobolka Päijät-Häme oo  laga helay 19qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Espoo 32
Helsinki 30
Vantaa 28
Kokkola 16
Lahti 13
Kouvola 10
Raisio 9
Hämeenlinna 7
Kannus 7
Turku 6
Kotka 4
Järvenpää 4
Orimattila 4
Oulu 4
Janakkala 3
Eura 3
Riihimäki 3
Vihti 3
Kerava 3
Porvoo 3
Pöytyä 3
Pornainen 2
Tuusula 2
Lappeenranta 2
Ii 2
Mikkeli 2
Tampere 2
Hollola 2

 Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 122 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  28 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 931 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 17 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 424 oo qof, kuwaasoo 5 265 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 132 waa nooca Koonfur-Afrika iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 105 016 oo qof (16.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 160 505 013 52 014 404
Tirada u dhimatay feyruska 3 334 420 1 107 001

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS