Festifaalka sannadlaha ah ee PUHOS LOVES PEOPLE oo suuqa Puhos ee Bariga Helsinki ka dhacay iyo fannaaniin caan ah oo wacdaro ka dhigay (sawirro)

PHOTO -SSMV

Ururka MEH Ry iyo ururo kale oo ay shaqo wadaag yihiin ayaa sannadkan si hagar la’aan ah u qabanqaabiyay festifaalka sannadlaha ah ee PUHOS LOVES PEOPLE waxaana sannadkan ka soo qaybgalay dadweyne aad u fara badan oo ka soo kala jeeday dadka asal ahaan dalka u dhashay iyo jaaliyadaha kala duwan ee dalka ku dhaqan oo ay Soomaalidu ugu horreyso.

Waxaa festifaalka sannadkan lagu soo bandhigay cuntooyinka jaaliyadaha oo kala duwan, fanka iyo suugaanta, bandhigga moodada ama faashiyoonka, farshaxanka, dharka iyo adeegyada ururada kala gedisan ee arrimaha bulshada ka shaqeeya.

Fannaanka weyn ee Awale Aden ayaa masrxa festifaalka PUHOS LIVES PEOPLE ruxay waxaana uu ka qaaday dhowr heesood oo dhiigga iyo lafaha daawadayaasha dhex-muquurtay.

Fannaanka casriga ee da’da yar, Hassan Maikal ayaa isuguna masraxa hantay kaddib markii uu qaaday qaar kamid ah heesihiisa caanka baxay ee uu ku qaado luqadda finnishka, heesahaas oo ka sokow mirahooda macnaha iyo ujeedada xambaarsan lagu laray jiib iyo jaan aad loola dhacay.

Ururada waxqabadkooda festifaalka ku soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ah BADO Ry, Suomen Somalia-verkosto, Rasmus Ry, magaalada Helsinki iyo qaar kale oo badan.

Dadaweynaha ka soo qaybgalay Festifaalka PUHOS LIVES PEOPLE ayaa uga mahadceliyay madaxda iyo hawlwadeennada Urur weynaha MEH Ry oo ah maskaxda iyo mashiinka suurageliyay qabsoomidda festifaalka PUHOS LOVES PEOPLE ee sannadkan 2023.

SSMV