Farriinta Maalinta Xorinmada Finland ee Ra’iisal wasaaraha Finland, Sanna Marin

Calanka Finland: Photo Mohamed Ibrahim

Helsinki 6.12.2020- Sanna Marin, Ra’iisal wasaaraha Finland oo barta Twitter:ka ee Xukuumadda Finland soo dhigtay farriinteeda ku aaddan Maalinta Xornimada Finland ayaa hadalka soo socda jeediyay:

– Sannadkan waxaa Maalinta Xornimada Finland loo dabbaaldegayaa iyadoo lagu jiro xaalad aan caadi ahayn. Dhibaatada Koronuhu ugu dambyanta waa ay dhammaanaysaa, inkastoo xilliga ay dhammaanayso loo arki karo in mid wakhti dheer qaadanaya. Haddii aan nahay dadka Finnihska ah, wadajir ayaan xaaladan cakiran uga baxaynaa, sababtoo ah waxaan tixgeli siinaa dadka kale,-

Waxaa kale oo iyaguna hadalka Ra’iisal wasaaraha farriimaha soo socda sida ay u kala horreeyaan ku dhammaystiray, Annika Saarikko, wasiirka Sayniska iyo dhaqanka, Maria Ohisalo, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Li Andersson, Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Caddaaladda Anna-Maja Henriksson.

Annika Saarikko ”Waxaan nahay mas’uuliyiin dhabar-adag”

Maria Ohisalo ”Waan isku filannahay goob kasta iyo goor kasta oo aan joogno”

Li Andersson ”Waxaan si wadajir ah ugu dadaalnaa, in dhammaanteen aan wada-soconno oo hawsha ka wada qaybqaadanno”

Anna-Maja Henriksson ”Waanu is-daryeelnaa. Maalin Xornimo wanaagsan!”

Xigasho Yle iyo Valtioneuvosto