Duqa magaalada Vantaa, Ritva Viljanen oo munaasabad af-fur ah (iftar) u samaysay qaar ka tirsan Muslimiinta Finland magaca ku dhex leh iyo diblumaasiyiin shisheeye

29.3.2023 Waxaa markii ugu horreysay laga dhex addimay salaadda Makhribna lagu oogay xarunta looga taliyo magaalada Vantaa kaddib markii Ritva Viljanen, duqa magaalada Vantaa ay halkaas munaasabad af-furin ah ugu samaysay dadka horseedka ka ah Muslimiinta magaalada Vantaa, ganacsatada Muslimiinta ah ee Finland iyo diblumaasiyiin ka socday qaar ka tirsan safaaradaha Finland ku yaal.

Munaasabadda ayaa ku billaabatay Adinka salaadda Makhrib oo ka dhacay gudaha xarunta maamulka magaalada Vantaa iyo af-fur fudud oo ku xigay. Waxaa markaas kaddib loo wareegay hoolka laga hoggaamiyo magaalada ugu caalamisan Finland ee Vantaa, halkaas oo uu salaadda Makhribka dadka ku dujiyay Allaha xafidee Shiikh Sharmarke Aw-Musse, imaamka Masjidka Myyrmäki.

Ritva Viljanen oo martida la hadlaysa-Kuva-Abdi Musse
Adam iyo duqa Vantaa oo martida soo dhoweynaya- Kuva-Abdi Musse

Salaadda kaddib ayaa waxaa loo wareegay hoolka marti-soorka ee xarunta maamulka magaalada Vantaa, halkaas oo uu ka billowday af-furka rasmiga ah; cunto noocba nooc ah oo loo soo xulay in lagu nafeeqo nafafka Alle dartii u soomanaa saacado badan ayaa halkaas la soo dhigay.

Duqa magaaada Vantaa Ritva Viljanen, oo hadal soo dhoweyn iyo mahadnaq isugu jira madasha ka jeedisay ayaa sheegtay, in fikradda ah in xarunta laga maamulo Vantaa af-fur loogu sameeyo Muslimiinta ku jira gudasha bisha soonqaad uu soojeediyay Shiikh Sharmake Aw-Musse, imaamka masjidka Myyrmäki.

Kuva-Abdi Musse

Shiikha ayeey Ritva ku ammaantay kaalintiis mugga leh ee uu ku leeyihiin wada-noolaanshaha dadyowga kala duwan ee ku dhaqan magaalada Vantaa. Magaalada Vantaa ayaa ah magaalo ay ku nool yihiin dad fara badan oo asal ahaan ka soo kala jeedo ku dhowaad 120 dal.

Shiikh Sharmarke Aw-Musse, imaamka masjidka Myyrmäki oo goobta ka hadlay ayaa sharraxay ahmiyadda ay bisha Soonqaad iyo soonkuba u leeyahay Muslimiinta iyo faa’iidooyinka caafimaad iyo tan bulsho ee laga helo soonka.

Imaam Sharmarke ayaa sidoo kale goobta ka sheegay waxqabadyada muuqda iyo wadashaqeynta wanaagsan ee ay la lahaayeen duqa magaalada Vantaa, Ritva Viljanen oo dhowaan shaqada ka fariisanaysa.

Imaamka ayaa sidoo kale rajeeyay in qofka beddeli doona Ritva uu noqdo mid wadashaqeynta dhinacyada badan leh ee ay maamulka Vantaa la lahaayeen sii ambaqaada.

Ka sokow safiirada dalalka Indonesia iyo Tunisia, waxaa madasha joogay hoggaamiyayaasha ururada bulshada ee magaalada Vantaa, siyaasiyiinta magaalada iyo ganacsadaha caanka ah iyo maamulaha shirkadda HOIVA ee bixisa adeegyada caafimaadka iyo arrimaha bulshada, Fadumo Ali.

Waa markii ugu horreysay oo munaasabad af-fur ah lagu qabtay xarunta looga arrimiyo magaalada ugu caalamisan dalka Finland, Vantaa.

SSMV