Duqa magaalada Turku, Minna Arve oo madal af-fur ah u samaysay jaaliyadda Muslimiinta ah ee magaaladaas ku dhaqan (sawirro)

Magaalada Turku, caasimaddii hore ee Finland ayaa waxaa ka dhacday munaasabad si wacan loo soo agaasimay oo ay ku wada af-fureen culimada, hoggaanka, siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Muslmimiinta ah ee magaalada Turku.

Xuquuqda sawirka: Abdullahi A.Sultaan

Munaasabaddan ayaa waxaa soo agaasimay Duqa magaalada Turku, Minna Arve waxaana ay ka dhacdya xarunta laga hoggaamiyo magaalada Turku.

Munaasabaddan af-furka ah ayaa qabashadeeda la billaabay sannadkii hore waxaana hindisaheeda lahaa Abdullahi A. Sultan oo ah Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka magaalada Turku.

Minna Arve, duqa magaalada Turku ayaa ugu horreyn madasha ku soo dhoweysay marti-sharafta waxayna ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay madasha noocan oo kale ah.

Xildhibaan Abdullahi A. Sultan oo goobta ka hadlay ayaa isna sheegay in uu ku faraxsanyahay ka qaybgalka madashan markii labaad lagu qabanqaabiyay magaalada Turku.

 

Dhammaad