Duqa magaalada Espoo ayaa maanta shir ku saabsan kahortagga korona la yeeshay ururrada Islaamka ee magaalada Espoo

Espoon Kaupunginjohtaja Jukka Mäkelä

Khamiis 26.11.2020 Duqa magaalada Espoo Jukka Mäkelä ayaa maanta shir dhanka Internetka ah la qaatay imaamyada iyo maamullada masaajidda Magaalada Espoo. Shirkaas ayaa ujeedadiisu ahayd sidii la isaga kaashan lahaa dadaalka ay dowladdu ugu jirto sidii qaab wadajir ah looga hortagi lahaa faafista cudurka safmarka ah ee korona.

Duqa magaalada waxaa uu sheegay in hore shirar badan uu ula soo yeeshay imaamyada iyo maamullada masaajidda ayna arrimo badan oo khuseeya horumarka magaalada ka wadahadleen, shirarkaas oo uu sheegay duqa magaalada in horumar weyn laga gaaray. Hadda oo adduunka oo dhan uu ka jiro cudurkaan safmarka ah ee Korona, waa muhiim  ayuu yiri inaan kulamo noocaas oo kale ah yeelanno.

Jukka Mäkelä waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay sidii looga wadashaqayn lahaa kahortagga faafista cudurka korona, si la mid ah sidii looga wada shaqeeyay gu’gii la soo dhaafay oo mowjaddiisii koowaad ay caalamka oo dhan ruxday, taasoo natiijadii wadashaqayntaas ka soo baxday ay noqotay in tiradii badnayd ee faafistu ay hoos u dhacdo. Duqa magaaladu waxaa uu sheegay in tirakoob la sameeyay oo reer Espoo lagu weydiinaayay xadidaadihii la soo rogay gu’gii la soo dhaafay, in 86% ay sheegeen in ay ahaayeen farriimo cadcad oo loo baahnaa. Sidaas awgeed ayuu yiri Jukka Mäkelä waa in casharradii aan gu’gii ka barannay aan ka faa’iidaysannaa, islamarkaana aan ku dadaalno sidii aan u raaci lahayn hagista iyo talosoojeedinta howlwadeennada caafimaadka, sida nadaafadda caafimaadka ee gacmo dhiqista, qufaca, kala fogaanshaha iyo afshareerka oo la qaato.

Mar uu ka hadlaayay mowajadda labaad ee xaaladda cudurka safmarka ee Korona iyo magaalada Espoo wuxuu Jukka Mäkelä sheegay, in tirakoob la sameeyay uu haatan xanuunku ku badnaa dadka da’doodu u dhexeyso 40-56, sidoo kalena ay jireen arrimo tilmaamaya in xanuunka laga helay dadka da’doodu ka weyn tahay 70-ka sano. Arrinkas oo buu yiri welwel nagu keenay, waayo xilligii mowjadda koowaad ee gu’gii la soo dhaafay waxaa reer Espoo cudurkaan korona awgiis uga dhintay 20 qof oo waayeello ah. Inkastoo buu yiri haatan arrinku uu intaa ka fiican yahay, oo mowjaddaan labaad markay bilaabatay illaa iyo imminka uu 1 qof oo waayeel ah oo kaliya uu u dhintay feyruska korona awgiis.

Duqa magaalada Espoo Jukka Mäkelä waxaa uu yiri: Dalku wuxuu haatan marayaa xaalad aad khatar u ah, tasoo keentay in howlihii daryeelka caafimaadku ay ciriiri noqdeen, shaqada oo ka badatay awgeed. Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaruhuba waa ay ka hadleen ayuu yiri xaalkan, waxaana ay caddeeyeen in arrinku uu meel khatar ah maraayo, loona baahan yahay in wadajir ahaan looga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa in Finland ay ka dhacdo sida waxa ka dhacay dalal badan oo Yurub ah oo kale ah. Sababtaas awgeed ayaan maanta isugu keen yeeray haddii aad tihiin imaamyada iyo maamullada masaajidda, in aan idiin soo gudbiyo farriintaas aan ka wado madaxda dalka iyo in aan idinkala hadlo xadidaadaha cusub ee dowladdu soo rogtay iyo sidii aan uga wada shaqayn lahayn meelmarinta xadidaadahaas, sidaas  ayuu yiri duqa magaalada Espoo.

Waxaa kaloo uu sheegay duqa magaaladu in arrimaha cusub ee maanta la gaaray ay ka mid yihiin in la joojiyay dhammaanba munaasabadaha la isugu yimaado mudada saddexdaas toddobaad ah, waxaa laga soo reebay oo kaliya in ka qaybgalka aasitaanka marka uu qof dhinto oo lagu soo koobay oo kaliya 10 qof, waxaana ay xadidaadahan socon doonaan illaa iyo 18.12.2020. Sidoo kale waxaa la xiray goobaha guud ee dadku isugu yimaado ee magaalada. Maktabadaha, hoolalka jimicsiga iyo goobaha kale ee hiwaayadaha dhammaanba waa la joojiyay. Waxaana haatan maanta ka hadlaynaa ayuu yiri wixii laga yeeli lahaa, hiwaayadaha iyo waxbarashada wixii ka yar 18-ka sano.

Intaa kaddib waxaa hadalka qaatay madxa arrimaha dadka waddanka u soo guurey ee magaalada Espoo Teemu Haapalehto, oo duqa uga mahadceliyay warbxintaas kooban ee uu xaaladda oo dhan kaga warramay, waxaana uu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo sidii looga hortagi laha faafista cudurka.

Waxaa sidoo kale shirka ka hadlay dhammaanba imaamyadii iyo wakiilladii ka socday masaajidda Espoo, waxaana ay ka warbixyeen sida ay masaajidu diyaarka ugu yihiin ka qaybqaadashada arrinkaas, iyo in marhoreba ay qaateen talooyinka dhanka caafimaadka ee looga hortagaayo faafista cudurka sida kala fogaanshaha, afshareerka, jeermisdilaha gacamaha la marsado iyo in sidoo kale in warbixinaha iyo hagista oo luqad walba ah ay ku dhajiyeen albaabada iyo boorarka ogaysiisyada ee masaajidda.

Waxaa kaloo dhammaan imaamyada iyo maamullada masaajiddu ay sheegeen, in iyagoo tixgelinaaya duruufta adag ee waddanku uu maraayo ee faafista cudurka korona ah, ay dhammaan masaajidda Espoo go’aan ku gaareen, in aan masaajidda lagu tukan doonin salaadda Jimcaha saddexda toddobaad ee soo socda, salaadaha kalena lagu xadidi doono 10 qof oo kaliya. Wixii talosoojeedin iyo hagis cusub ee ka soo baxa dhanka howlwadeennada dowladdana ay qaadan doonaan.

Ugu dambeyntii waxaa shirka ka hadlay duqa magaalada Espoo, wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida wanaagsan ee masaajidda reer Espoo ay u diyaarsan yihiin, islamarkaana ugu heellan yihiin ka qaybqaadashada ka hortagga feyruska, isagoo caddeeyay in uu aad ugu riyaaqay go’aankoodaan, wuxuuna yiri ” waxaad tihiin dad mas’uuliyiin ah oo dareemaya waajibka saaran, waliba iyadoo aan shirkeenu dhicin kahor aad sii gaarteen go’aamo wax ku ool ah oo wax kataraya kahortagga cudurkaan safmarka ah.

Waxaa shirka soo xiray Said Aden oo ah khabiir dhanka arrimaha ajaanibta ee Magaalada Espoo, oo isagu ahaa qabanqaabiyaha shirka, waxaana uu maamullada masaajidda u ballanqaaday in uu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo wixii la xiriira arrimaha warbixinaha ku saabsan kahortagga faafista feyruska korona, isagoona ku boorriyay in ay si firfricooni leh ula socdaan bogga magaalada Espoo ee Espoo.fi oo had iyo goor la soo dhigo warbixinihii ugu dambeeyay ee la xiriira feyruska korona.