Dil caawa fiidki ka dhacay bartamaha Espoo (Espoon keskus) iyo booliska oo qof u xiray dilkan

Sawirku dhacdadan lama xiriiro

Espoo- Waxaa bartamaha magaalada Espoo caawa fiidki lagu arkayay gaadiidka booliska, gaadiidka gurmadka degdegga ah iyo Helikobtarka caafimaadka oo halkaas si wadajir ah uga hawlgelaya.

Halwgalkan ayaa ka billowday wargelin la soo gaarsiiyay xarunta xaaladaha degdegga oo sheegeysay in qof lagu dilay agagaarka Bartamaha Espoo.

Hawlwadeennada caafimaadka oo goobta degdeg ku soo gaaray ayaa iskudayay in ay soo naaxiyaan qofkan qaangaarka ah oo xaalad halis ah ku jiray, laakiin sida booliska sheegay, laguma guulaysan in la badbaadiyo wuxuuna ku dhintay isla goobta dhaawiciisa laga helay.

Booliska oo horay ka billaabay baarista kiiskan ayaa sheegay in ay qof u qabteen kiiska. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay faahfaahin ka bixin doonaan dhacdadan berri gelinka dambe

 Isha warka: Booliska