Dalka Jeek (Czech) oo soo jeediyay in gebi ahaan dadka Ruushka ah loo diido fiisiyooyin Yurub

Image by Gordon Johnson from Pixabay

Dalka Jeek (Czech) oo haatan haya guddoomiyanimada wareegta ee Midowga Yurub ayaa bah-wadaagta Midowga Yurub u soo jeediyay in si wadajir ah loogu diido muwaadiniinta Ruushka dal-ku-galka ama fiisaha lagu soo galo dalalka Yurub.

Jan Lipavsky, wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Czech oo soo-jeedintooda sababaynayay ayaa sheegay, in dadka Ruushka ah oo laga mamnuuco helitaanka dal-ku-galka Yurub ay tahay hab xooggan oo cunaqabayn cusub ah.

Wasiir Jan Lipavsky ayaa dhanka kale sheegay, in aanan laga wada-hadli karin dalxiis caadi ah oo ay dadka Ruushku ku yimaadaan Yurub, iyadoo uu Ruushku sii wado weerarka gardarada ah ee ka dhanka dalka Yukreyn.

Volodymyr Zelenskyi, madaxweynaha Yukreyn ayaa kal hore oo todobaadkan ah dalalka reer Galbeedka ku booriyay, in ay dalxiisayaasha Ruushka u diidaan soo-gelista dalalkooda.

Zelenskyi ayaa sidoo reer Galbeedka talo ahaan ugu soo jeediyay: ”in ay dadka Ruushka ah meeshooda u daayaan, illaa iyo inta ay falsafaddooda ka beddelayaan”

Midowga Yurub ayaa illaa iyo hadda Ruushka ku soo rogay isuggeyn lix qaybood oo cunaqabatayn ah.

Isha warka: DEMOKRAATTI/STT