Dalka Finland oo maanta laga xusay maalinta aabayaasha ee sannadkiiba mar la xuso

Maalinta aabayaashu waa maalin ciideed lagu sharfo laguna xusuusto aabayaasha.

Dalka Finland, dalalka Woqooyiga Yurub marka laga reebo dalka Deenmaarki iyo dalka Istooniya waxaa maalinta aabaha laga xusaa sannad kasta Axadda labaad ee bisha Nofembar oo ku beegan lix bilood kaddib maalinta hooyooyinka.

Maalintan ayeey Finnishku inta badan aabayaasha si gaar ah u xusaan iyagoo ammaan iyo hadiyado huwiya aabayaasha. Waxaa kale oo xusid mudan in maalinta aabuhu ay tan sannadkii 2019 Finland ka ahayd maalin calan-saar oo rasmi ah.

Maalinta aabaha ee wanaagsan!