Dalka Belaraashiya (Belarus) oo muhaajiriin badan u fasaxay in ay Yurub galaan- 9000 oo muhaajiriin ah oo Jarmalka galay

Photo: Pixabay

Helsinki- Dowladda Jarmalka ayaa u qaylo-dhaansatay dalalka kale ee Yurub kaddib markii dhanka Bari ee dalkaas ay soo galeen 9000 oo muhaajiriin ah.

Wararku waxay intaas ku darayaan in xeryaha qaabilaadda qaxootiga ee Bariga Jarmalku ay buux-dhaafeen. Waxaa kale oo Jarmalka laga soo sheegayaa in xaaladda ay sii adkaysay xukuumadda dalkaas oo isbeddelaysa iyo cabsi laga qabo in muhaajiriintu ay xad-dhaaf noqdaan maalmaha soo socda.

Muhaajiriintan oo qaab siyaasadaysan ay dowladda Belarus ugu soo gudbisay dhanka Yurub  ayaa ka soo kala jeedaan dalal kala duwan oo qaarkood ay ka jirto xaalad colaadeed iyo mid bani’aadmino.

Hoggaanka ilaalada xuduudaha ee Finland ayaa sheegay in Finland ay soo gaaraan muhaajiriin 35 ah oo Belarus soo maray.

Dalalka Midowga Yurub ayaa la filayaa in ay dhowaan shir degdeg ah ka yeeshaan xaaladda cakiran ee ku xeeran muhaajiriinta tuban Belarus iyo xuduudda Boland (Poland).

Warbaahinnada qaar ayaa baahiyay in muhaajiriintan ay si gaar ah u tiigsanayaan dalka Jarmalka oo ay siyaasaddiisa soo-galootigu ka yara fududahay dalal badan oo dhaca qaaradda Yurub.

Xogasho: Wakaaladaha wararka