Dad tegay kalaab ku yaal Tampere oo laga yaabo in ay halis ugu jiraan qaadista faruska Korona

Tampere 14.8.2020- Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dad tegay kalaabka Ihku ee ku yaal magaalada Tampere ay halis ugu jiraan in ay qaadaan xanuunka Korona.

Raadraaca qaadista cudurka  ee Waaxda daryeelka bukaanka ee Prikanmaa ayaa waxaa lagu ogaaday in dad tegay maqaayadda Ihku habeenkii Sabtida ay Axaddu soo gelaysay 23.00 saac kaddib ay suurragaltahay in ay qaadaan xanuunka Korona ee uu keeno fayruska COVID-19.

Waaxda daryeelka bukaanka ee Pirkanmaa ayaa kugu boorinaysaa haddii aad wakhtigaas tagtay maqaayadda Ihku in aad si fiican isha ugu hayso guud ahaan caafimaadkaada gaar ahaan calaamadaha caabuqa ama infakshanka. Haddii aad calaamado caabuq isku aragto waa in aad islamarkiiba la xiriirto daryeelka caafimaadka, si aad u hesho wakhti Korona lagaaga baaro.

Astaamaha illaa iyo hadda la xaqiijiyay ee lagu garto xanuunka Korona waa qandho ama xummad, qufac, dhuun-xanuun, neefta oo adkaata, murqo-xanuun, daal, hargab, lallabo ama yalaalugo iyo shuban.

Qaar ka tirsan hawlwadeennada caafimaadka ayaa waxay qabaan in dadku aanay si dan la’aan u aadin goobaha lagu badan yahay, sida kalaabyada iyo meelaha kale ee lagu caweeyo ama lagu qoob-ka-ciyaaro.

Xuquuqda sawirka: Kohokohdat