Codbixinta hordhaca ah ee doorashada madaxweynaha Finland oo soo dhammaatay -dalka oo madaxweyne cusub yeelanaya Axadda 11.2.2024

Doorashada madaxweynaha Finland- Pekka Haavisto iyo Alexander Stubb/Abdi Musse/SSMV

Waxaa soo gebagebowday codbixinta hordhaca ah ee wareegga labaad ee doorashada madaxweynaha Finland kaddib markii wareegga koowaad lagu kala bixi waayay. Wareegga labaad ayaa waxaa isugu soo haray labo murashax oo kala metela labada dacal ee aragtida siyaasadda Finland, Pekka Haavisto iyo Alexander Stubb.

Pekka Haavisto iyo Alexander Stubb oo wareeggii koowaad ee codbixinta doorashada madaxweynaha helay codadkii ugu badnaa ayaa u soo gudbay wareegga labaad waxaana maalinta rasmiga ah ee codbixinta doorashada madaxweynaha oo ah 11.2.2024 madaxweyne ka noqonaya dalka Haavisto ama Stubb.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa codadka hordhaca ah ee la tiriyay lana aqbalay ka muuqata in uu ku horreeyo Stubb waxaase loo joogaa natiijada kama dambeysta ah ee ka soo bixid doonta maalinta codbixinta rasmiga ah ee doorashada madxweynaha Finland oo ku aaddan 11.2.2024, maalintaas oo ay dadku intooda badan codkooda dhiiban doonaan.

Muwaadin, codkaada dhiibo oo gudo waajibkaaga xuquuqdaadana bixinta codkana qaado!

Sawirka: SSMV/Abdi Musse