Booliska oo sheegay in ay xireen haweeney 63 sano jir ah oo looga shakisanyahay in ay dishay haweeney 95 sano jir ah

Xuquuqda sawirka: SSMV

War ka soo baxay booliska oo lagu daabacay bogga internetka ee booliska ayaa lagu sheegay, in booliska Helsinki ay baarayaan kiis dil ah oo looga shakisanyahay in ay geysatay haweeney 63 sano jir.

Falkan dilka ah ayaa lagu qiyaasay in uu ka dhacay 29:kii bishii Maarso ee la soo dhaafay xaafadda Herttoniemi, Helsinki.

Haweeneyda la dilay iyo tan la tuhunsanyahay in ay dishay ayaa la sheegay in ay horay isu yaqaaneen. Dembiga ayaa sidoo kale la sheegay in uu ka dhacay guriga deegaan ah oo gaar loo leeyahay.

Crsita Granrth oo ah dembi-baaraha baaritaanka kiiskan hoggaaminaysa ayaa sheegtay in baaritaan-horaadka kiiskan hadda uun la billaabay, sidaas darteena aanay faahfaahin intaas ka badan ka bixinayn sida ay wax u dhaceen iyo xogaha ay hayaan.

Maxkamadda ayaa bixisay amar lagu xirayo haweeneydan looga shakisanyahay in ay dilka geysatay, taas oo haatan ku jirta xabsiga baaritaanka.

Isha warka: Booliska Helsinki