Booliska Finland oo qabtay shan qofood oo looga shakisanyahay falal argagixiso

Booliska Koonfurta Galbeedka ee dalka Finland ayaa maxkamadda Satakunta u gudbiyay dalab lagu xirayo shan qofood oo Finnish ah oo ay soo qabteen, kuwaas oo looga shakisanyahay in ay qorsheynayeen falal argixiso.

Shantan qofood ayaa ah rag Finland u dhashay oo da’dooda lagu sheegay qiyaastii 25 sano jiryo. Booliska oo shir jaraa’d galabta qabtay ayaa sheegay in raggan laga hadlayo ay yihiin koox xagjirka ah oo siyaasad ahaan dhanka midig u janjeerta.

Kooxdan oo Talaaladadii la soo dhaafay ay boolisku hawlgal aan dhiig ku dadaan ku soo qabteen ayaa la sheegayaa in ay deganaayeen Waqooyiga Satakunta, soonaha Kankaanpää.

Dhammaan dadkan la qabtay ayeey boolisku sheegeen in looga shakisanyahay in ay maleegayeen gacantana ku hayeen hawlo ay uga gol-lahaayeen in ay ku sameeyaan falal argagixiso.

Dadkan tuhunka argagixisanimada loo xiray ayaa hadda ku jira xabsiga baaritaanka ee booliska waxaana la filayaa in boolisku ay faahfaahin kiiskan ku saabsan la wadaan bulshada, ka gadaal marka ay horumar ka sameeyaan baaritaanka kiiskan laga anfariiray.

Isha wararka: Yle