Baaritaanka ninkii soomaaliga ahaa ee dadka ku dilay dalka Jarmalka ayaa wali socda

Axad 27.6.2021. Nin u dhashay dalka Soomaaliya ayaa Jimcihii magaalada ku taalla Koonfurta dalka Jarmalka ee Wurzburg waxaa uu toorrey ku dilay saddex qof oo u dhashay dalka Jarmalka. Boolsika dalka Jarmalka ayaa wali wada baaritaankii arrinkaas.

Ninka soomaaliga ah ee  dambiga dilka ah loo haysto, ayaa sida wararku ay shegayaan waxaa uu soo galay dukaan aad u weyn oo lagu iibiyo alaabaha kala duwan, wuxuuna si toos ah u aaday dhanka qalabka jikooyinka lagu iibiyo, isagoo ninkii qaybtaas joogay waydiiyay halka ay yaallaan mindiyaha.

Markii dukaan iibiyuhu uu u sheegay halka ay mindiyaha yaallaan, wuxuu islamarkiiba dilay ninkii dukaanka iibinaayay, iyo laba dumar oo kale oo dukaanka ku dhexjiray. Intaa kaddib eedeysanuhu waxaa uu si aad u xun u dhaawacay shan dumar oo kale iyo hal ilmo ah oo uu dukaanka iyo waddooyinka ku kala dhaawacay.

Booliska ayaa eedeysanaha qabtay kaddib markii ay bawdada ka toogteen.

Boolisku waxaa ay sheegeen in ninkaas oo degganaa guryaha loogu talaggalay dadka degaan la’aanta ah ay boolisku baaritaan ku sameeyeen, islamarkaana ay ka heleen telefoono iyo qoraallo ay ereyo dhiillo ah ka muuqdaan.

Sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka Joachin Hermann, waxaa ay tuhunsan yihiin in eedeysanuhu uu kaligiis ahaa, haatanna ay baaritaan ku adaan in uu lahaa wax xiriir ah oo dhanka ururrada islaamiyiinta ah.

Xigasho: Wakaaladaha wararka