Qoys Soomaaliyeed oo ku Geeriyooday Dab ka kacay dhisme ay degenaayeen oo lagu aasay Qabuuraha Vantaa

Ehalada Qoyska oo u wada mid ka mid ah meydadka qoyska Godka. Photo: Mohamed Ibrahim/SSMV

Vantaa (SSMV) Muslimiin aad u fara badan ayaa maanta janaasada kula tukaday, kana qeyb qaatay tacsida qabuuraha ku yaala magaalada Vantaa qoys Soomaaliyeed oo ka koobnaa 5 – aabe, hooyo iyo saddex caruur ah oo ay dhaleen – mid ka mid ah aaskii ugu weynaa oo Muslimiin Janaaso ku tukato.

Muslimiin aad u fara badan oo ka soo qeyb gashay janaasadda iyo duugta. Sawirka: Mohamed Ibrahim/SSMV

Qoyska ayaa ku geeriyooday dab ka dhashay dhisme ay ka degenaayeen magaalada Vantaa, gaar ahaan xaafadda Pähkinärinne ee magaalada Vantaa sida boolisku ku sheegay war saxaafadeed oo ay werisay warbaahinta YLE.

Dadka tacsida ka qeybgalayay ayaa waxaa ka mid ahaa Imaamka Masjidka Vantaa oo ay wehliyaan imaamyada  qaar ka mid ah masaajidda ku taala magaalooyinka Helsinki iyo Espoo, Guddoomiyaha Jaaliyadda Midnimada Ummadda Soomaaliyeed ee Finland Somaliliitto, Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddamada Woqooyiga Yurub, qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee laga soo doorto Vantaa iyo Helsinki.

Qaar ka mid ah Imaamyada Vantaa iyo Helsinki oo hagayay habraaca janaasadda iyo duugta si waafaqsan diinta Islaamka. Photo: Mohamed Ibrahim/SSMV

Imaamyada labo ka mid ah masaajidda Vantaa iyo Helsinki Imaam Sharmarke Said Aw-Musse iyo  Sheikh Abdifatah Shekh Musse ayaa la arkayay iyagoo habraaca dhinaca diinta ee Janaasadda iyo duugta hagaya, iyagoo ugu duceynayay qoyska in ilaahey Janadda ugu bishaareeyo.

”Tani waxa ay noo tahay xusuusin oo ah in qabrigu ina wada sugayo, taasna ay u baahan tahay in loo shaqeysto.” Shekh Sharmarke Said Aw-Musse ayaa u sheegay ka qeybgalayaasha janaasadda iyo duugta.

Qaar ka mid ah ehalada qoyska geeriyooday ayaa la arkayay iyagoo ku lebisan funaanado jaalle ah oo ay dhabarka kaga qoran tahay ”Ehalada”, aasayayna meydadka, iyagoo wejiyadooda murugo ka muuqato.

Qaar ka mid ah ehalada Marxuumiinta oo sida mid ka mid ah meydadka Qoyska. Photo: Mohamed Ibrahim/SSMV

Qaar ka mid ah ehelada oo ay isku day’day inay la hadasho Suomen Somalimediaverkosto ayaa ka gaabsaday inay warbaahinta toos ula hadlaan. Hase yeeshee Sheikh Sharmarke oo ka hadlayay gunaanadka aaska ayaa isagoo ku hadlaya magaca qoyska ka codsaday in qof walba oo deyn ku leh marxuumyada ay la soo xiriiraan eheladooda, dad haddii ay jiraan ay is af-gaareenna ay iska cafiyaan.

Mid ka mid ah dadkii tacsida gudanayay oo ka gaabsaday in magiciisa si toos ah loo xigto ayaa sheegay in qoyskan ay labo mar shahiid yihiin, waa midda koowaade caruur ayaa u saqiirtay, haddana dabka ku gubatay, waa shihiidiin, tan labaadna iyagii ayaa dabkii ku dhintay, taasoo ka dhigeysa inay labo mar shahiid yihiin, wuxuuna ilaahey uga baryay in uu Janada boos ka siiyo.

Booliska ayaa sheegay inay falkan u soo qabteen  Eedeysane 71-jir ah, iyadoo loo haysto sababo la xiriira 5 dil, laba isku day dil, iyo burburin hanti oo xooggan.

Sharmarke Said Aw-Musse oo duugta kadib warbaahinta la hadlay ayaa u mahadceliyay walaalihii soo agaasimay janaasadda, isagoo sheegay in dad aad u fara badan ay ka soo qeybgaleen, kana codsaday ummadda Muslimiinta ah inay u soo duceeyaan.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

WQ: Mohamed Ibrahim, Tifaftiraha Guud ee SSMV