Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 673 qof oo hor leh

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaco 18.08.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 451 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 119 320 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 94 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Magaalooyinka ugu badan ee dalkaan Finland laga helay feyruska waa sidatan soo socota:

tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 150
Turku 69
Espoo 53
Vantaa 48
Kemijärvi 40
Jyväskylä 25
Oulu 17
Lappeenranta 16
Hyvinkää 13
Tampere 12
Vaasa 12
Kaarina 10
Joensuu 9
Kajaani 8
Porvoo 8
Kouvola 7
Lieto 7
Hämeenlinna 6
Salo 6
Lohja 6
Kerava 6
Imatra 5
Raahe 5
Kuopio 5
Sipoo 4
Nurmijärvi 4
Raasepori 4
Janakkala 4
Ylivieska 4
Lahti 4
Raisio 4
Hamina 4
Naantali 4
Muurame 4
Kempele 4
Kankaanpää 4
Kangasala 4
Kirkkonummi 4
Iisalmi 3
Mikkeli 3
Paltamo 3
Seinäjoki 3
Rovaniemi 3
Kotka 3

 

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 106 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 29 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1003 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 12 281 oo qof, kuwaasoo 7 953 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 445 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 2 876 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 7 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 13.08).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,87 milyan oo qof, taasoo u dhigmata 69,3% tirada dadka Finland. Labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 2,4 milyan, taasoo u dhigmata 43,5 % tirada dadka Finland (18.08.).

Xigasho:YLE,HS