Wararka caalmka ee Feyruska korona iyo maanta

Finland waxaa laga helay 36 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Sabti 5.9.2020 laga helay feyruska korona 25 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 8261 qof.

Magaalada Kainuu illaa 200 oo qof dad gaaraya ayaa karantil la geliyay

 Sida laga soo xigtay waaxda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee Kainuu illaa iyo 200 oo qof ayaa la geliyay karantiil.

Magaalada Kuhmo waxa jimcihii laga helay 25 qof oo qaba feyruska korona, kuwaasoo ka mid ahaa dadkii u nuglaaday feyruska. Dadka laga helay feyruska 23 waxay joogaan magaalada Kuhmo, hal qof Sotkamo, halka qof ee kalena Kajaani.

Kooonfur bari Norwey oo in kabadan 1100 qof karantiil la geliyay

 Koonfur bari Norwey xadka ay la leedahay Isweden ayaa la amray dad tiradoodu gaarayso wax ka badan 1100 qof in ay karantiil galaan, kaddib markii ay u nuglaadeen feyruska korona.

Magaalada Sarpsborg waxaa karantiil la geliyay 437 ardey. 48 macallin, 22 carruurta xannaanada dhigata ah, iyo laba shaqaalaha xannaanada ah, Lix daryeelayaal ah oo guryaha  lagu xannaaneeyo dadka waayeelka ah ka shaqeeya. Magaalada Fredrikstad waxaa karantiil la geliyay 600 oo isugu jira carruurta xannaanada, arday dhigata dugsiyada hoose dhexe iyo sare.

Qaar ka mid ah u nuglaanta waxaa raadraaceeda laga helay oo keenay xaflad diimeed lagu qabtay magaaladaas toddobaadkii la soo dhaafay.

Hindiya oo tirada dadka laga helay feyruska ay kor u dhaaftay 4 milyan

Dalka Hindiya ayaa shaaca ka qaaday in tirada dadka laga helay feyruska ay jebisay rikoora 4 milyan oo ay kor u dhaaftay. Waxaa sidoo kale ay dawladda Hindiya sheegtay in ay feyruska korona ay u dhinteen dad tiradoodu gaarayso 70 000 oo qof.

Hindiya waxaa uu kaalinta saddexaad kaga jiraa dalalka ugu badan ee laga helay feyruska korona, Baraaziil iyo dalka Maraykanka kaddib.

Maraykanka waxaa dadka laga helay feyruska ay gaarayaan 6,22, milyan, tirada dhimashadana 188 000 oo qof.  Baraaziil waxaa feyruska laga helay 4,1 milyan, iyadoo tirada dhimashaduna ay marayso 125 000 oo qof.

Meksiko

 Tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 6 200 qof

Tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka waa 620 000 oo qof

Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 67 000 oo qof

Bakistaan

Tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 513 qof oo cusub

Tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waa 298 kun 25 qof

Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 5 qof oo hor leh

Tirada guud ee dhimashadana waa 6340 qof.

Dalka boqortooyada Sucuudiga

Tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 791 qof oo cusub

Tirada guud ee dhimashada illaa iyo haatan waa 319 kun 932 qof

Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 34 qof oo hor leh

Tirada guud ee dhimashadana waa 4049 qof

Waxaana ka bogsaday cudurka 295 kun 842 qof