Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Finland oo gudaha baarlamaanka isku dilay

Mauri Ratilainen / Compic / Eduskunta

Eemeli Peltonen oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Finland ee xisbiga SDP ayaa maanta isku dhex dilay gudaha Baarlamaanka Finland, xilli uu weli Baarlamaanku ku jira fasaxa xagaaga.

Boolis wata gaadiidka gaashaaman, shaqaalaha gurmadka dedgegga ah iyo saraakiil amni ayaa gudaha iyo agagaarka baarlamaanka lagu arkay kahor inta aanay soo bixin farriinta dhiillada leh ee ku saabsan geerida mudanahan.

Xafiiska warbaahinta iyo xoghaynta baarlamaanka oo dhacdadan ka hadlay ayaa ka gaabsaday sababta dhimashada waxayna ku gaabsadeen, in geeri dhacday booliskuna ay kiiska baarayaan. Si kastaba ha ahaatee, Warbaahinta ILTALEHTI ayaa baahisay warka ku saabsan in xildhibaanku isdilay waxayna iyadoona sidoo kale sheegtay, in ay xogta ka heshay ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Murugo, fajac iyo naxdin ayaa haraysay dadki uu mudanuhu jaalka iyo shaqo wadaagga la ahaa waxayna tacsi u direen ehelkiisa.
Isha warka: ILTALEHTI