Wasiirka arrimaha dibadda Yukreyn: Ruushku wuxuu doonayaa in magaalada uu qabsaday ee Kherson ka dhigo Jamhuuriyad cusub

KUVA: SSMV

Wasiir Dmytro Kuleba oo bartiisa Twitter:ka soo dhigay farriin digniin iyo duur-xul isugu jirta ayaa sheegay in Ruushku ay magaalada ay qabsadeed ee Kherson ka qabanqaabinayaan afti dadweyne oo loogu aasaasayo “Jamhuuriyadda dadka”.

Wasiir Kuleba wuxuu sheegay in reer Kherson aanay wax taageero ah u hayn tallaalabada la doonayo in lagu aasaaso “Jamhuuriyadda dadka”. Dhanka kale wuxuu wasiiirku sheegay in haddii la sameeyo codbixin ama afti noocaas ah ay natiijadu noqonayso waxba kama jiraan la been-abuuray.

Bariga Yukreyn, gaar ahaan Donteski iyo Lohanski ayaa dagaalladii ka dhacay sannadkii 2014 kaddib waxaa laga aasaasay Jamhuuriyado Ruushka ku tiirsan.

Isha warka: Yle