Wargelin muhiim ah oo ku saabsan safarka dibadda!

Helsinki 15.6.2020 Wargelintan waxaan ka soo qaadanay Hay’adda Caafimaadka iyo Nololwanaagga (THL)

Laga billaabo maanta (15.6.2020) uma baahnid in aad adigu is-geliso karaantiil, haddii aad ka timaado dalka Estonia, Latvia, Lithuania, Norway, Denmark ama Iceland.

Dadka wadamada kale ka imaanaya waxaa lagula talinayaa in ay is-geliyaan karaantiil 14 maalmood ah.

Marka aad ku jirto is-karaantiilidda 14:ka maalmood ah
1. Waxaad isaga dhex socon kartaa goobtaada shaqada iyo gurigaada

2. Iska ilaali taabashada jireed ee dadka una jirso masaafada ammaanka

3. Soo qabso danaha lagama maarmaanka ah oo kaliya

4. Iska ilaali intii karaankaaga ah dadka badan iyo taabashada jireed ee dadka

5. Raaca tilmaamaha nadaafadda wanaagsan ee gacmaha iyo  quficidda

Isha warka: THL
Sawirka: ITÄ-HÄME