Warbixin: Shaqaalaha nadaafadda ka shaqeeya oo si daran loogu xadgudbo  

Helsinki 6.7.2020 Warbixin ay daabacday Jariidadda Helsingin Sanomat ayaa si mug leh uga hadashay tacaddiga lagu hayo shaqaalaha nadaafadda ka shaqeeya ee Finland, gaar ahaan kuwa ajnabiga ah.

Warbixintan oo ku saleysan baaritaan iyo ka salgaarid qoto-dheer ayaa bannaanka keentay xadgudubyo xadka ka baxay oo lagu hayo dad badan oo nadaafadda ka shaqeeya, kuwaas oo ay qaarkood habeen iyo maalin shaqeeyaan, goobta shaqadana seexdaan, mushaharka muran xooggan laga geliyo mararka qaarna xittaa gaajo ku seexda.

Warbixintu waxay intaas ku sii dartay in shaqaalaha qaarkood loogu hanjabay in sharciga ay dalka ku joogaan oo shaqo ku saleysan lagala laabanayo haddii ay dhibaatada haysata kala hadlaan saraakiisha dawladda ama hay’adaha badbaadada shaqaalaha qaabilsan.

Mushaaraadka oo aan la siinin, shaqada oo ay qabtaan ku dhowaad afar iyo labaatan saac, shaqaalaha oo loo hanjabo.

Jariidadda Helsingin Sanomat ayaa sidoo kale sheegtay in habka dadkan loola dhaqmay laga helayo sifooyinka lagu baadi-sooco ka ganacsiga dadka.

Warbixintan ayaa dhanka kale sheegaysa in shirkadaha dadkan shaqaalaha sida arxandarada ah ula macaamila ay qandaraas nadaafadeed ka haystaan maamullada degmooyinka, dugsiyada, xannaano-maalmeedyada iyo xarumaha waaweyn ee laga dukaamaysto.

Si kastaba ha ahaatee waxaa warbixinta lagu xusay in shirkadaha nadaafadda ka shaqeeya aanay dhammaantood sidan u dhaqmin oo ay jiraan qaar si sharciga waafaqsan ula dhaqma shaqaalaha u shaqeeya.

Ra’iisal wasaare Sanna Marin ayaa 5.7.2020 barteeda Twitterka soo dhigtay faallo ay uga falcelinayso maqaalka muujinaya ficillada foosha xun ee meel-ka-dhaca ku ah sharafta Finland.

“Xaaladda ka jirta suuqa shaqada Finnishku waa mid aan gebi ahaanba loo adkaysan karin, mar haddii sidan baaxadda leh ee habaysan looga faa’iidaysanayo shaqaalaha. Si arrintan wax looga qabto, waxaa loo baahanyahay in isbeddel lagu sameeyo sharciga degsan iyo in la xoojiyo awoodda waxqabad ee saraakiisha ama hay’adaha dowladda”, Sanna Marin, Ra’iisal wasaaraha Finland ayaa hadalkan ku qortay barteeda Twitterka.

Isha warka: HS

Sawirka:   ILTALEHTI