Wadamada qaar oo lumiyay xuquuqda codkii ay ku lahaayeen Shirka Guud ee Qaramada Midowday, maxay tahay sababtu?

UNITED NATIONS- SAWIRKA SSMV

Lacagta xubinnimada ee ay dalalka Qaramada Midowday xubnaha ka ah bixiyaan ayaa ah mid aan Jimciyaddu ka maarmin, laakiin dalalka xubnaha ka ah oo dhan ma bixiyaan ama waa ay la soo daahinta bixinta lacagta.

Lix (6) waddan oo ka tirsan Jimciyadda Quruumaha ka dhexeeysa (UN) ayaa lumiyay xuquuqda codkii ay ku lahaayeen Shirweynaha Guud ee Qaramada Midowday, shirkaas oo ah kan ugu muhiimsan ee ay go’aannada dunidu ka soo baxaan ama lagu gaaro.

War ka soo baxay Qaramada Midowday ayaa lagu sheegay sababta ay wadamadaas ku lumiyeen xuquuqdooda codka ee Shirweynaha QM in ay tahay, lacagta xubinnimada Qaramada Midowday oo aanay bixin.

Sida ku qoran sharciga Qaramada Midowday lagu aasaasay, dalku wuxuu xuquuqdiisa codka lumin karaa, haddii lacagta lagu leeyahay ay dhantahay tiro u dhiganta labadii sano ee la soo dhaafay lacagta xubinnimada ee laga rabay.

Dalalka lixda ah ee haatan lumiyay codkooda ayaa kala ah Venezuela, Lubnaan, South-Sudan, Dominiika, Equatorial Guinea iyo Gabon.

Saddex dal oo kale oo kala ah Soomaaliya, Comoros iyo São Tomé iyo Príncipe ayaan iyaguna muddo bixin lacagta xubinnimada ee QM.

Si kastaba ha ahaatee Shirka Golaha loo dhan yahay ayaa deyrtii hore lagu go’aamiyay, in dalalkaas ay xuquuqda codkooda Shirka sii heystaan illaa iyo inta lagu jiro dhammaadka shirweynahan, maadaama ay caddeeyeen in aanay bixin karin lacagta laga doonayo.

isha Warka: maailma.net.fi