Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Sweden oo waraaqahiisa Danjirenimo u Gudbiyay Madaxweynaha Finland, Jaaliyadda Soomaalida oo aad u soo dhoweysay tallaabadaas.

Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Sweden oo waraaqihiisa danjirenimo u gudbinaya madaxweynaha Finland Stubb. Sawirka: Somaliliitto.
Helsinki – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Ambassador Abdikarim Ahmed Mohamed ayaa waraaqihiisa aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay madaxweynaha Finland Alexader Stubb, tallaabadaas oo ay jaaliyadda Ummadda Soomaaliyeed ay aad u soo dhoweeyeen.
Imaanshaha safiirka Soomaalida Sweden ee Finland ayaa ka dhigan mid u fududeyneysa Soomaalida inay si sahlan u heli karaan howlaha kala duwan ee Safaaraddu qabato, taasoo meesha ka saareysa caqabadihii hore u heystay muwaadiniinta Soomaalida.
Munaasabad aad loo soo agaasimay ayaa madaxweynaha Finland Stubb uu Amb. Abdikarim waraaqihiisa aqoonsiga kaga guddoomay. Waana markii ugu horeysay oo Soomaaliya ku yeelato safiir dalkan Finland.
Jaaliyadda Midnimada Ummadda Soomaaliyeed ayaa kulan soo dhoweyn ah safiirka ugu qabatay xarunta Somaliliitto, taasoo Amb. Abdikarim uu kula hadlay haldoorka jaaliyadda sida odoyaasha dhaqanka, dhallinyarada, aqoonyahanka, qaar ka mid ah mudanayaasha golayaasha deegaanka ee Helsinki iyo Vantaa, ururada bulshada rayidka iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Midnimada Ummadda Soomaaliyeed Abdulrahman Raage ayaa tallaabadaas Soomaaliya safiir ku yeelato Finland ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah.
”Waa Guul taariikhi ah aad u weyn in Madaxweynaha Finland uu ka guddoomo waraaqaha aqoonsiga Safiir Soomaaliyeed, waayo howlo badan oo Soomaalida waddankaan ay u dhibaato ku qabeen helistooda ayaa hadda u fududaaneyso.” Guddoomiye Abdulrahman Raage ayaa u sheegay Suomen Somalimediaverkosto.
Soomaalida deggan Finland ayaa sidoo kale arrintan u arka in u soo magacaabista Safiir ay Soomaalidu leedahay ay ka dhigan tahay guul u soo hoyatay dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Finland.